Sweden oo noqotay wadanka ugu fiican aduunka ee uu qof soo galooti ah ku noolaan karo.

0
277

Cilmibaaris cusub oo Mareykanka lagu sameeyay ayaa lagu sheegay in dalka Sweden uu yahay wadanka ugu fiican aduunka ee uu qof soo galooti ah ku noolaan karo. Waxaana kaalinta labaad soo galay dalka Canada, halka Switzerland ay kaalinta sadexaad ku habsatay.

Dalkan Norway ayaa soo galay kaalinta 6-aad ee wadanka aduunka ugu fiican ee uu qof soo galooti ah ku noolaan karo. Liiska wadamada ugu fiican ee qof soo galooti ah ku noolaan karo ayaa ah sidatan: 1) Sweden 2) Canada 3) Switzerland 4) Austrlia 5) Germany 6) Norway 7) USA 8)Nederland 9) Finland iyo 10)Denmark. 

Baaritaanka cilmibaaristan ayaa waxaa sameeyay US News and World Report, waxaana qiimeynta wadamadan la doortay laga fiirinayay degenaanta xaalada dhaqan-dhaqaale ee soo galootiga wadankaas kunool, sinaanta mushaarka dadka soo galootiga ah iyo dadka wadanka u dhashay, iyo waliba ka dhex muuqashadooda suuqa shaqada.

Sidoo kale waxaa cilmibaaristan lagu eegay lacagta ay dadka soo galootiga ah u diraan wadankooda, taas oo ka turjumeyso xaaladooda dhaqaale ee dalkaas ay kunoolyihiin.

Sweden ayaa labaatankii sano ee ugu danbeeyay hoy u noqotay boqolaal kun oo soo galooti ah, iyada sanadkii 2015 oo kaliya ay dalkaas soo galeen dad soo galooti ah oo gaaraya 140.000 qof.

Soomaalida ayaa kamid ah soo galootiga ugu badan ee ku dhaqan dalka Sweden, iyada oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay dalkaas magangalyo soo weydiisteen kumanaan soomaali, kuwaas oo u badan dhalinyaro.

Xigasho/kilde: VG, Washingtonpost

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments