torsdag, april 18, 2024

Sideen ku soo bandhiga karaa aqoonteeyda iyo waayo-aragnimadeeydii hadii aanan luuqada wadanka looga hadlo aqoon?

W.Q: Xalwo Cabdi Cali


Xirfadaha iyo aqoonta qofka waa mid intabadan qofka ku jirta aana la ogaan-karin hadii uusan isagu soo bandhigin ama aan la arkin waxqabadkiisa. Aduunyada aan ku noolnahay ma jira qof aan xirfad iyo aqoon lahayn lakin waxaa ay u qeybsantahay qeyba badan aqoonta iyo xirfada intabadana waa kuwa wada shaqeeyo. Qofkasta waxaa uu dhashaa isagoo sakhiir ah oo aan waxba ogeen. Waxaana waxkadhigi karo waalidka waayo waa barbaarinta iyo biloowga nolosha. Marka aad noqotid qof weyn oo aad ka gudubtid caruurnimadii waxaad tahay qof aqoon iyo waayo aragnimo u leh waxa ay tahay caruurnimo.

Waxaa laga yaaba qofka maqaalkaan akhriya in uu ka caajisa oo uu dhameysan waayo balse waxaan akhristoow kuu sheegayaa in aad tahay qofka akhrindoona ee dhameysan doona marka uu bilaabo.

Waxaase ku horyaalo Masuuliyad weyn oo ah in aad la timaaddid xirfado iyo aqoon, Maaddaama aadka gudubtay derejadii ahayd caruurnimo. Qofkasta oo maanta dunida ku nool waxaa uu sitaa labo qumbuladood oo waaweyn kuwaas oo ay ka buuxaan xirfado iyo aqoon. Waxaase lagaa doonayaa sidii aad u adeegsan lahayd waayo aragnimada iyo aqoonta kaa buuxda. Hadii aad tahay geeljire waxaad aqoon iyo waayo aragnimo uleedahay waxkasta oo geelaas ku saabsan. Hadii aad tahay beeraleey waxaad aqoon buuxda u leedahay beeraha iyo sidii aad waxsoosaarka oga gungaari lahayd.

Sidoo kale hadii aad tahay bare jaamacadded, waxaad aad u taqaana sidii ardayda jaamacadda aad macalinka ka tahay ugu faa ideyn lahayd iyo wax aad soo baratay ee quseyo maadada aad macalinka ka tahay. Balse kawaran haddii aad wadankaaga ka tagtid oo aad tagtid wadan kugu cusub oo aad luuqadiisa iyo dhaqankiisa aqoonin mawaxaad u maleynaysaa in aad oranaysa waxaan ahay macalin jaamacaddeed gaar ahan macalin xisaab oo lagu aaminaayo oo shaqo lagu siinaayo?

Qofkasta oo Soomaali ah oo maanta doonaayo in uu ku noolaada wadan qurbaha ah waxaa laga rabaa marka aad timaadid wadankaas in aad muujisa sidii aad dadka u tusilahayd xirfada aad leedahay, waaya aragnimadaada iyo aqoontaada.

Taas sidee baan ku sameynkarnaa tusaalo Norway ayaad degantahay. Marka aad wadanka timaadid marxalada adag ayaa qofka soo wajaha waayo waxaad marka hore lahayd hamiweyn waxaad ku fikiraysay Norway tag shaqeyso lacag yeelo guriya dhisa waalidkaaga iyo dhamaan reerkaaga anfac oo adiga oo tunweyn kulaabo dalkaaga!! .

Laakiin nasiib wanaag waxaa lagu geyey degma aadan weliga tegin oo tuula ah dadka jooga waa dad aad afgaranaynin dhaqan garanaynin qol ayaa lagu siiyey waxaa lagu geyey dugsiga luuqada ee dadka waaweyn. Waxaa lagu fariisiyey fasal ay ku jiraan dadkala duwan oo lagu baranayo( Hva heter du?) Adiga macagaa maalinkasta qof cusub ayaa la keenaa fasalka waxaana lagu soo celceliyaa isla eraygii adigii waxaa kugu dhacaayo niyad jab iyo in aad isla hadashid oo aad bilaawdid maxaa meeshaan i keenay iyo maxaan sameyaa niyad jab iyo inaad u xiisin iskuulka (iwm)

Halkaas waa meesha dadka ku kala haraan. Hadaba hadii aad tahay qof halkaas maraayo talooyin badan ayaan ku siin doonaa waxaad sameyn lahayd iyo sidii aad ku soo bandhigi lahayd waayo aragnimadaada iyo aqoontaada islamarkaasna aad oga gungaarin lahayd noloshaada :

• Noqo qof naftiisa ku kalsoon oo geesi ah. Sidee ogoow waxaad tahay qof adag oo xaaladkasta ka gudbikaro waa hadii aad naftaada ku kalsoontahay. Ogoow in aad gaarikartid halka ay joogta macalimada hortaada taagan ee ku bareysa (norskspråk) adiga kula ah waxweyn.
• Noqo mid aan qarsan xirfadiisii waayo aragnimo iyo aqoontii uu lahaa xitaa hadii aad isku dhiibtay eber. Sidee dadaalbadan muuji ha xishoonin ee xooga saar in aad luuqad baratid. In aad dadka dhaxgashid. In aad raadisid wixii aad xirfada u lahayd haddii aad weysid wax u soo dhaw. Istijaaba waxaad ku fiicantahay oo aad jeceshay in aad marweliba sameysid.
• Noqo mid dadka ixtiraamo. Sidee cidkasta oo aad la kulonta tusi in aad tahay qof doonaayo in uu dadka fahmo si isaga loo fahma.

Ogow xushmada dadka waa la deemiyaaa ee ha ilaabin in aad deemisid. Side marka aad dadka xumsheysid ee aad noqotid qof xushmada badan oo dadka caawiya u mahadceliya tusa in uu leeyahay( kropp språk)luuqada jirka) waxaad dib u helidoontaa in dadka aad la kuluntid ee aad ixtiraamtay ay kuu soo celindoonaan iyada oo laban laab ah.

• Noqo mid su aalo badan: isku dey in aad dadka weydiisid waxkasta oo aad garan weysid, tusalo casharada dalbo in lagu caawiyo leeylisyada. Mcalinkaaga ha ka baqin waxaad garanweysid weydii . Raadi warbixindada ku saabsan waxaad dooneysid in aad mustaqbalka noqotid. Iyo wadada saxda ah ee aad umar lahayd yusan waqtiga kaa qasaarin waqtiga waa qaali ee albaabka saxdah ah ee aad ka gelilahayd raadi gurigaan weyn ee daaqadaha badan leh waa dalka cusube. Daaqadanaha waa qawmiyadaha kala duwan iyo dadkii wadanka u dhashay oo qolkuwada jira qofkastan daaqada ku beegan ayuu eegayaa (No integration )

La xiriir qofkasta oo aad isleedahay wuu kugu dhaamaa arrimaha aad danayneysid. Iska ilaaw waxaan waa lagugu caynayaa iyo in aad dadka ka qarsata.

• (Qaad tilaabada biloowga ah noqo qof dadka isbaro. Sidee soo bandhiga waxqabadkaaga iyo waxyabaha aad jeceshay in aad noqotid adigoo adeegsanayo (presentation)
Kawarbixi waxyaabihii aad qaban jirtay ama aad xirfada u lehayd xitaa hadii ay ahayn in aad beera lay ahayd.

  • Tag goobaha lagu caawiya dadka sida (Friville -steder) ku shaqey shaqooyinka iskaa wax uqabsada ah adigoo si daacadnimo u muujinaayo waxaad qaban kartid waqtiyada aad firaaqada leedahay. Soo bandhiga dhaqankaaga iyo diintaada wanaagooda oo dadka wax ha kaabartaan si aad adigan wax oga baratid.

• Daryeel naftaada: Sidee waxaad ogaataa waxaad timid dalka duwan cimilada dalkaag isticmaal oo ka faa ideysa dhaqtarkaaga waxkasta oo naftaada caawinkaro. Tag meelaha jimicsiga oo ku dadaal caafimaadkaaga iyo cuntooyinka isku dheelitiran. Ka qeyb-qaaddo goobaha ay dhalinta ku ciyaaran sida ciyaaraha iyo arimaha sports.
• Ku dadaal in aad habeenkii waqti hore jiifatid xitaa hadii aad beri fasaxtahay. Subixiina waqti hore toos. Ugu yaraan shan iyo tobon bogg akhri maalintii yaraan. Akhribuuggagta yar yar ee caruurta si ay kuugu fududdaato in aad dhaqse u fahantid waxa aad akhrinaysid.

 

Hadii aad sidaas ku socotid mudo gaaban ayaad imaandoontaa booskii aad bulshada kulahayd ee aad ku hamiyi jirta. Waxaadna noqondoontaa mid ka guulgaaro in uu dadka tusa aqoontiisii iyo waaya aragnimadiisii isagoon wado dheer u marin. Ogoow dad dhowr iyo tobonsano jooga ayaa gaari la heerka aad ku gaaridoontid labada sanna ee aad ku jirta barnaamijka hordhaca ee loo yaqaano (introdusjonsprogram)

Hadii aad ka heshay talooyinkaan iyo kuwa kale oo badan la xirir qoraha maqaalkaan  Xalwo Cabdi Cali. Xalwo012@gmail.com


Hadii aad rabto inaad aqoontooda, xirfadaada, khibradaada, fikirkaaga ama hamigaaga aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x