Oxfom: Sweden ayaa aduunka ugu horeysa kahortaga kala duwaanshaha dhaqaale ee bulshada

0
169

Warbixin uu soo saaray ururka Oxfam ayaa lagu sheegay in dalka Sweden uu yahay dalka ugu horeeya aduunka ee ka horgata dabaqadaha bulshada.

Robert Höglund oo u hadlay ururka Oxfam oo ah urur taageera wadamadda aduunka sadexaad ayaa sheegay in Sweden ku fiican tahay ka hortaga farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya dadkeeda iyo in si cadaalad ah loo qeybiyo dhaqaalaha dalkaas, isla markaana ay dowladu isku heyso qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xog-uruurinta ayaa laga sameeyey 152 waddan, waxaana la eegay sida ay dawladuhu wax uga qabtaan kala duwanaanshaha dhaqaale ee bulshada ka dhex jira. Waxyaabaha lays barbardhigay waxaa ka mid ah sida dawladuhu ugu dadaalaan ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, sida ay cashuurta u isticmaalaan, iyo xadiga lacagta ay ku bixiyaan kharasha adeega dadweynaha.

Xigasho/kilde: Radio-sverige.se

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments