Norway-Cup: Waryaa Stars oo (10-0) ku xasuuqday kooxda Trond IL.

0
178

Kooxda ku ciyaareysa magaca Soomaaliya ee Waryaa Stars, ayaa maanta ciyaartoodii koowaad ee tartanka Norway-Cup 10-0 ku xasuuqday kooxdii kasoo horjeeday ee Trond IL. Waxeyna sidaas ku qaateen sadexdii dhibcood ee ugu horeeyay tartanka Norway CUP 2017.

Waryaa Stars ayaa ka kooban dhalinyaro soomaali ah oo laga soo uruuriyay dalka Sweden iyo kuwo si toos ah looga keenay Soomaaliya.

Sanadkii hore waxey soo gaareen wareega 8-da(Qu.finalka) halkii sanadkii 2015 ay galeen kaalinta 3-aad ee dhalinyarada wiilasha ay da´doodu jirto 15 ilaa 16 sano.

Waryaa Starts ayaa maalinta bari ah ciyaari doona kulankoodii labaad, iyaga oo ka hortagi doono kooxda Pors Grenland.

Halkan kala soco natiijooyinka kooxda Waryaa Stars ee Norway Cup-ka.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments