fredag, april 19, 2024

Minneapolis: Soomaali katirsan booliska Mareykanka oo toogasho ku dilay haweeney Australian ah

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, Mohamed Nuur(sawirka kore) oo ah sarkaalkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee ka mid noqda booliska dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay haweeney Australian ah xili uu kujiray shaqada booliska.

Haweeneydan geeriyootay oo magaceedu uu ahaa Justine Damond ayaa gurmad ka dalbatay booliska, iyada oo markaas ka cabsi qabtay qeylo ay sheegtay inay ka maqleysay agagaarka gurigeeda. Waxaana goobta soo gaaray labo sarkaal oo katirsan booliska Minneapolis, iyada oo markii danbena uu midkood xabado ku riday haweeneydaas, taas oo keentay inay aakhirkii u geeriyooto. Sarkaalka xabada ku dilay haweeneyday ayey boolisku markii danbe sheegeen inuu ahaa Mohamed Nuur oo asal ahaan soomaali ah, sanadkii 2015-kana kusoo biiray booliska Mareykanka.

Booliska Minneapolis ayaa sheegay ineysan warbixin faah-faahsan ka bixin karin qaabka ay wax u dhaceen, maadaama ay wali wadaan baaritaanka dhacdadan. Waxeyna sheegeen iney si kumeel gaar ah shaqada uga fariisiyeen Mohamed Nuur, inta ay baaristu socoto.

Duqa magaalada Minneapolis ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid murugo leh, wuxuuna sheegay iney tahay mid wada taabatay dhamaan dadka kunool magaalada.

Xigasho*/kilde: New-york-post

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x