Germany: Gabar soomaali ah oo ninkeeda biyo-kulul ku gubtay oo 8 bilood oo xabsi ah lagu xukumay

0
148

Sida uu qorayo wargeyska Süddeutsche Zeitung ee dalka Germany, gabar soomaali ah ayaa waxay maxkamadi ku xukuntay 8 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inay biyo kulul ku gubtay ninkeeda. Falkan ayaa dhacay bishii October ee sanadkii 2016.

Gabadhan oo sanadkii 2015 Germany qoxooti ahaan ku timid, ayaa dhankeeda sheegtay in ninkeeda uu u gacanqaadi rabay, isla markaana qofka biyaha kulul ku shubay ay aheyd gabar kale oo saaxiibteed ah, waa sida uu wargeyskaas qoraye.

Xeer ilaaliyaasha maxkamada ayaa ka biyo-diiday sharaxaada gabadhaas, waxeyna markii danbe ku xukumeen 8 bilood oo xabsi ah iyo 2 sano oo tijaabo ah(shardi ineysan danbi kale galin mudadaas).

Gabadhan oo da´deeda lagu qiyaasay labaatameeyo ayaa dalkaas ka heshay magangalyo, waxeyna xabsiga dhexdiisa ku baran doontaa luuqada Germanka, sida uu wargeyskaas qoray.

Xigasho/kilde: Süddeutsche Zeitung

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments