EU: Hala mamnuuco doomaha goonta ka sameysan ee loo dhoofiyo dalka Libya

0
275

Kulan ay shaley yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka midowga Yurub, ayay isku waafaqeen in la mamnuuco badeecooyinka loo dhoofiyo dalka Libya ee loo adeegsado howsha tahriibinta muhaajiriinta usoo tahriibo qaarada Yurub.

Waxeyna isku raaceen in la mamnuuco dhoofinta ay wadamada EU-du Libya u dhoofiyaan doomaha ka sameysan bacaha, ee loo adeegsado tahriibinta dadka. Iyaga oo sheegay in arrintaas ay qeyb ka tahay dadaalka ay reer Yurub ugu jiraan ka hortaga tahriibka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili dalalka Yurub ay dadaal xad dhaaf ugu jiraan joojinta ama yareynta dadka usoo tahriibayo Yurub ee kasoo qul-qulaya Afrika.

Sida ay sheegeen dadka ku xeel-dheer tahriibka mamnuucista ay isku raaceen wadamada Midowga Yurub, ayaan yeelin doonin saameyn dhab ah, maadaama doomaha ka sameysan bacaha badankooda lagu sameeyo dalka Shiinaha, isla markaana aan lagu sameyn dalalka Yurub.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments