Dowlada Norway: Si aad u hesho degenaansho rasmi ah, waa inaad sanadkii ugu danbeeyay shaqeysay lacag dhan 239 kun Nok

0
147

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa meel-mariyay xeer cusub oo shardi ka dhigaya in qofkii codsanayo degenaansho rasmi ah(permanent opphold), uu sanadkii ugu danbeeyay isku filnaa dhaqaale ahaan ama uu shaqeeyay lacag dhan 238 784 nok. Sidoo kale waxaa shardi ah in qofku uu san 12-kii bilood ee ugu danbeeyay uusan wax caawin dhaqaale ah ama ceyr ah ka helin hey´ada NAV.

Dowlada Norway ayaa baarlamaanka qodobkan u gudbisay bilo kahor, waxaana muuqato inay u heleen codad taageersan oo uu kumeel maro. Xisbiga FRP ayaa ahaa xisbigii dabada ka waday qorshahan hada u hirgalay.

Xeerkan cusub ayaa qaban doono dadka degenaanshaha codsan doono wixii ka danbeeyo kowda bisha September ee sanadkan 2017. Dadkii codsado wixii ka horeeyo taariikhdaas, ma uu qaban doono sida ay sheegtay hey´ada socdaalka iyo agaasinka soo galootiga. Sidoo kale hadii aad ka yartahay 18 sano, ama aad ka weyntahay 67 sano xeerkan kuma uu qaban doono.

[adsenseyu2]

Lacagta introga waxaa loo xisaabinayaa shaqo ahaan:

Xeerkan cusub oo soo saartay dowlada Norway ayaa shardi ka dhigayo in qofka codsanayo degenaansho rasmi ah uu sanadkii ugu danbeeyay isku filnaa dhaqaale ahaan ama ay soo gashay dakhli dhan 238 784 NOK.

Sidoo kale hadii aad buuxiso qodobadan mid kamid ah, waad buuxisay qodobkaas, sida ay dowlada Norway sheegtay:

  1. in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay aad ka shaqeynsay shaqo fulltid ah, aadna ka helay mushaarka ugu yar ee laga qaadan karo shaqadaas, xitaa hadii uu mushaarkaas ka yaryahay 238 784 Nok.

  2. In 12-kii bilood ee ugu danbeeyay ay kusoo gashay lacag stipend iyo deyn(lån) ah oo isku dar dhan 111 657 nok.

  3. Hadii aad buuxisay 25 sano, waa in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay ay kusoo gashay lacag dhan 187 268  oo kaasoo gashay barnaamijka introduksjonsprogram.

  4. Hadii aad ka yartahay 25 sano, waa in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay ay kusoo gashay lacag dhan 124 845 oo barnaamijka Introga ah.

[adsenseyu2]

lacagaha kale ee qofka dakhli ahaan loogu xisaabinayo ayaa waxaa kamid ah lacagta waalidiinta la siiyo, lacagta dadka shaqada ay ka dhamaato la siiyo iyo lacagta waalidka kalida ah la siiyo.

Sidoo kale waxaa shardi ah in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay aadan wax caawin dhaqaale ah ama ceyr ah aadan ka helin hey´ada Nav.

Dowlada Norway ayaa sheegtay in hadii uusan qofku buuxin karin shuruudahaas, uu mar kale cusbooneysiisto sharciga magangalyada kumeel gaarka ah, isla markaana uusan codsan degenaansho, maadaama ay dhici karto inuu diidmo ka helo.

Yuusan xeerkan cusub qaban doonin:

  1. Hadii ka yartahay 18 sano ama aad ka weyntahay 67 sano.

  2. Hadii aad tahay ardey dhigto dugsiga sare ama si buuxdo ah jaamacad u dhiganayay 12-kii bilood ee ugu danbeeyay.

  3. Hadii aad lacag howlgab ah aad ka qaadato Nav.

  4. Hadii 12-kii bilood ee ugu danbeeyay uu kusoo gaaray dhaawac kaa horistaagay inaad shaqeyso gabi ahaanba ama aad shaqeyso 50%.

Maxaa harey oo la isku heystaa:

Xukuumada xagjirka ka ah arimaha soo galootiga ee Erna Solberg iyo wasiiradeeda arimaha soo galootiga S. Listhaug, waxey isbuuc walba si joogto usoo saaraan xeer cusub oo si uun waxyeelo ugu ah xasiloonida iyo degenaanshaha dadka magangalyada usoo raadsaday Norway.

Su´aasha isweydiinta mudan ayaa ah, sidee qof wadanka ku cusub oo sadex sano iyo wax ka yar joogay uu ku awoodi karaa inuu sanadkii shaqeeyo lacag intaas dhan, isla markaana uusan wax caawin dhaqaale ah ka helin dowlada. Waa su´aale dowlada maxay dadaal ah oo qabatay si dadkaas ay u helaan shaqooyin, isla markaana ay u buuxiyaan shuruudaha kor iyo hoos la daba dhigay

F.G: Hadii aad wax su´aal ah ka qabto xeerarkan cusub ama sida uu saameyn kuugu yeelan kar, fadlan la xiriir UDI-da, qareen ama hey´adaha ka shaqeeyo arimaha soo galootiga sida NOAS oo kale. 

Xigasho/kilde: UDI.NO 1 , UDI.NO 2, Regjeringen.no

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments