fredag, mars 29, 2024

Dadkii ugu yaraa tan 90-meeyadii oo Norway magangalyo soo weydiistay

Lixdii bilood ee ugu horeeyay sanadkan, waxaa Norway magangalyo soo weydiistay dad tiro ahaan dhan 1114 qof. Tiradaas oo ah tii ugu yareyd ee dad ah oo Norway magangalyo soo weydiisto tan iyo bilowgii 90-meeyadii.

Tirada dadka Norway magangalyada soo weydiistay ayaa sidoo kale waxaa ku timid hoos u dhac dhan 40%, marka loo fiiriyo sanadkii hore xiligan oo kale. Dadka ugu badan ee Norway iska dhiibay sanadkan, waxay kasoo jeedaan wadamada Siiriya iyo Ereteriya.

Waxaa kale oo jiro dad tiradoodu ay dhantahay 1.250, kuwaas oo Norway ay kasoo qaadatay Italy iyo Giriiga, isla markaana ay u sameysan barnaamij dib u dajin ah. Dadkaas ayaa ah saamiga Norway ay ku leedahay heshiiskii qeybsiga qoxootiga ee dalalka EU-da.

Isku dar waxaa la saadaalinayaa in Norway ay sanadkan magangalyo soo weydiistaan dad tiro ahaan lagu qiyaasay 3000.

Shaqo la´aan soo wajahday dadkii ka shaqeyn jiray xeryaha qoxootiga:

Maadaama ay hoos u dhacday tirada dadka magangalyada soo weydiisanayo Norway, hey´ada agaasinka soo galootiga ee UDI-da ayaa xirtay 172 xero oo kuwa qoxootiga lagu soo dhaweeyo ama ay kunoolyihiin ah. Sidoo kale ilaa 40 xero oo kale ayaa dhawaan albaabada la isugu dhufan doonaa.

[adsenseyu2]

Xeritaanka xeryaha qoxootiga iyo hoos u dhaca tirada dadka iska soo dhiibayay Norway, waxey sababtay in shaqo la´aan baahsan ay soo wajahdo dadkii ka shaqeyn jiray xeryaha qoxootiga, gaar ahaan kuwa kuyaalo tuulooyinka. Maalin walba waxaa warbaahinta Norway, gaar ahaan kuwa lokalada ah laga hadalhayaa dadka ay shaqo la´aan ku dhacday, kadib markii la xeray xaruntoodii shaqada.

Listhaug oo faraxsan:

Wasiirada arrimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada, Sylvi Listhaug oo katirsan xisbiga xagjirka ah ee FRP ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay hoos u dhacaas ku yimid dadka magangalyada soo weydiisanayay Norway. Waxeyna sheegtay in taas ay cadeyn u tahay in siyaasada xisbiga FRP ee yareynta soo galootigu, ay noqotay mid guuleysatay.

Listhaug ayaa raacisay inay ka cabsi qabto in hadii talada ay la wareegaan xisbiyada bidixdu, ay kor u kacdo tirada dadka magangalyada soo weydiisanayay Norway. Maadaama ay kula dhaqmi doonaan siyaasad qabow, waa sida ay hadalka u dhigtee.

Xigasho/kilde: NRK, Adressa.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x