Dadka heysta dhalashada Holland ee degan dalka U.K oo waayi doono dhalashooda Holland..

0
132
Reysulwasaaraha Holland

Reysulwasaaraha dalka Holland, Mark Rutte ayaa maalmo kahor sheegay in muwaadiniinta dalkiisa ee qaatay dhalashada dalka Ingiriiska, si ay ugu suurto gasho in ay sii deganaadaan dalkaas, ay waayi  doonaan Baasaboorka Holland, marka ay U.K si buuxdo uga baxdo midowga Yurub ee EU-da. Isaga oo taas u sababeeyay in xeerarka hada u dagsan dalkiisa aysan saamaxeyn in qofku uu isku heysto labo dhalasho.

Qiyaastii boqol kun oo muwaadiniin Hollandiis ah oo ku nool Britain, ayaa waxaa soo food-saaray mustaqbal aan la saadaalin karin, maadaama ay Britain si buuxdo EU-da uga bixi doonto dhamaadka 2019. Waxaana dadkaas kamid ah kummanaan Soomaali ah oo degan Ingiriiska, oo kasoo guuray Holland, isla markaana heysta dhalashada dalkaas.

Dowlada Holland ayaa sheegtay in hadii uu qofku isku heysto labo dhalasho, aysan cadeyn  xuquuqdiisa-muwaadinimo iyo dalka uu ku leeyahay.

Xigasho/kilde: The Guardian.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments