Turkiga oo jadwalka waxbarashada ka saartay sheekada bilowga nolosha aadanaha ee «Darwin Theory»

0
320

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka Reuters, wasaarada waxbarashada dalka Turkiga ayaa jadwalka waxbarashada dalkaas ka tuurtay sheekada bilowga nolosha aadanaha ee Darwin Theory. Sheekadan ayaa ah mid sheegeyso in bini aadamku ay asal ahaan kasoo jeedaan xayawaanka loo yaqaan Daanyeerka, waxeyna kamid tahay jadwalka waxbarashada dalal badan oo caalamka ah.

Turkiga ayaa arintaas ku sababeysay in Theorigaas ama sheekadaas ay tahay mid uu muran kujiro, isla markaana ku adag fahamka ardeyda, maadaama aysan aheyn mid dhameystiran oo cilmi ahaan sugan.

Numan Kurtulmus oo ah reysulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa horey u sheegay in sheekada Darwinku ay tahay mid qurun ah oo gabowday, isla markaana aysan mudneyn inay kamid noqoto jadwalka waxbarashada dalka Turkiga.

Sheekadan ku saabsan in bini aadamku uu asal ahaan kasoo jeedo daanyeer, ayaa ah mid uu sameeyay qoraa reer Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray Charles Darwin, kaas oo noolaa qarnigii 18-aad.Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa soo badanayo culimo badan oo kuwa cilmiga seyninska, kuwaas oo diidan suurtogalnimada arintaas. Iyada oo dhamaan culimada diimaha kala duwan ee caalamka ay si aad ah uga soo horjeedaan, maadaama caqiido ahaan iyo cilmi ahaanba aysan macquul aheyn in bini aadamku uu daanyeer ku abtirsado.

Xigasho/kilde: Aftenposten/Rueters.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments