Trump oo diiday inuu Muslimiinta la casheeyo habeenkii Ciidda

0
169

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa jibiyay caado muddo 20 sano soo jirtay, kadib markii uu diiday inuu casho sharafeed aqalka cad ku martigaliyo muslimiinta Mareykanka maalinta ciida ah.  Aqalka Cad ayaa martigelin jiray munaasabaddan sanad kaste tan iyo markii uu Clinton ahaa madaxweynaha.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Rex Tillerson, oo wasaaradiisu lagu waday inay qabanqaabiso xafladan ayaa diiday, isaga oo aan wax sharraxaad ah ka bixinin. Bishii May, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegtay in Mr Tillerson uu diiday talo uu soo jeediyay xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda u qaabilsan arrimaha diimaha oo ku taliyay in cashada Ciidul Fitriga la qabtaa sandkan sidii caadada ahaydba.

Mr Trump ayaa horay loogu dhaliilay hadalladii ka dhanka ahaa Muslimiinta oo uu jeediyay intii lagu jiray ololihiisa doorashada sida inuu ku baaqay in basaasid lagu sameeya masaajidada Muslimiinta.

Cashada habeenka Ciidda ee Aqalka Cad uu qaban jiray ayaa soo jirtay tan iyo sanaddii 1999, waxaana ka soo qeybgali jiray hogaamiyayaasha Muslimiinta caanka ah ee Mareykanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Trump ayaa haseyeeshee, war qoraal ah oo uu soo saaray ugu hambalyeeyay Muslimiinta u dabbaaldageysa Ciidda. Waxa uu sheegay in munaasabadan ay ina xasuusineyso ahmiyadda naxariista iyo samafalka.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments