Per Sandberg: 6 bilood ayaad heysataa si aad qoyskaaga ugu dacwooto

0
216
Foto: Youtube

Wasaarada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka Norway, ayaa maanta mar kale soo saartay go´aan ay ku adkeyneyso sharciyada qoysaska soo galootiga ah ee raba inay dib u midoobaan.

Sharcigan cusub oo dhaqangali doono 1-da bisha August, ayaa dhigayo in qofku uu heysto lix bilood oo kali ah, si uu qoyskiisa ugu dacwoodo, isaga oo aan lagu xireynin lacagta shuruuda ah ee lagu xiro dadka u dacwoonaya qoysaskooda. Lixdan bilood ayaa ka bilaabaneyso maalinta uu qofka helo sharciga magangalyada.

[adsenseyu2]

Mudada uu qofku heysto si uu ugu dacwooda qoyskiisa, kadib marka uu helo sharciga magangalyada ayaa hada ah hal sano, laakiin waxaa laga dhigay 6 bilood oo kali. Arintaas ayaa waxaa wax badan dadaal ugu jiray xisbiga FRP oo hada u muuqdo inuu ku guuleystay.

Sida uu sheegay wasiirka kumeelgaarka ah ee arimaha soo galootiga dowlada Norway, Xeerkan cusub ayaa qaban doono dadka sharciga magangalyada helay, wixii ka danbeeyay marka uu xeerkaas dhaqangalo(1-da august), isla markaana raba inay u dacwoodaan qoysaskooda.

Si lagaaga aqbalo codsiga dacwada qoyska, waa in mudo lix bilood gudaheeda ah aad ku xareyso codsigaaga, isla markaana aad bixiso lacagta gebyr-ka(lacagta howl fududeynta?) ah.  Hadii aadan lixdaas bilood ku xareyn, waxaad lamid noqon doontaa dadka wadanka waxbadan joogay ee raba inay qoysaskooda la midoobaan, waxaana ku qabanayo shardi ah inaad sanadkii shaqeyso lacag ku dhow 300.000

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments