Namsos: Gabar 3 sano jir ah oo ku geeriyootay isbitaalka iyo booliska oo xabsiga dhigay hooyadeed iyo adeerkeed

0
115

Sida ay maanta shir jaraaíd ku sheegeen booliska magaalada Namsos, waxaa isbitaalka St.Olav ee magaalada Trondheim ku geeriyooday gabar 3 sano jir ah, taas oo u geeriyootay dhaawacyo soo gaaray oo isbitaalka looga dabiibayay. Gabadhan 3 sano jirka ayaa ilaa shaley koomo kujirtay, kahor inta aysan boolisku shaacin inay maanta galinkii hore geeriyootay.

Booliska magaalada Namsos ayaa dhanka kale sheegay inay xabsiga dhigeen hooyada gabadhan iyo adeerkeed(stefar), kuwaas oo ay boolisku ku eedeynayaan inay ka danbeeyeen dhaawacyada ay gabadha u geeriyootay. Adeerka gabadha ayey boolisku xabsiga dhigeen afar isbuuc oo kumeel gaar ah.

[adsenseyu2]

Adeerka gabadhan 3-jirka ah ee  isbitaalka ku geeriyootay ayey boolisku sheegeen inuu yahay sodomeeyo jir(30+-)kasoo jeedo dalka Soomaaliya, uuna sharci ku leeyahay dalka Talyaaniga. Halka hooyaduna ay kasoo jeedo dalka Ethopia, sharci magangalyo kumeel gaar ah ku leedahay dalkan Norway.

Booliska ayaa sheegay in habeenkii isniinta ay ka warheleen arinta gabadhan, kadib markii ay barnevernku iyo dhakhtarkii qaabilay gabadha ay boolisku kusoo wargaliyeen dhaawacyada soo gaaray gabadha. Qoyskan ayaa degenaa deegaanka Nemdal.

Sida ay boolisku sheegeen waxaa guriga kunoolaa caruur kale, kuwaas oo hada xanaanadooda ay si kumeel gaar ah ula wareegeen barnevernku.

Warbaahinta Norway guud ahaan, gaar ahaan kuwa lokalka ah ayaa aad u hadalhayo dhacdadan. Booliska ayaa diidan inay macluumaad dheeri bixiyaan, maadaama ay sheegeen inuu wali socdo baaritaanka arintan.

Xigasho/kilde: TV2.NO. Adressa.no1Adressa.noTV2.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments