London: Muslimiin masaajid kasoo baxay oo gaari la jiirsiiyey.

0
180
London

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, 10 kalena wey ku dhaawacmeen weerar gaari loo adeegsaday oo xaley saqdii dhexe lagu qaaday dad muslimiin ah oo kasoo baxay salaada taraawiixda. Labo kamid ah dadka dhaawaca ah ayaa xaaladooda aad looga deyrinayaa, maadaama ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Ninka weerarka loo qabtay ayaa isku dayay inuu gaariga jiirsiiyo dad badan oo marayay wadada dhinaceeda xili ay kasoo baxeen, balse waxaa markii danbe istaajiyay dhalinyaro kamid ah dadkii masaajidka kasoo baxay.

Dadka la weeraray ayaa kasoo baxay masaajidka weyn ee ku kyaal Seven Sisters Road ee nawaaxiga Finsbury Park magaalada London.

Booliiska ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku hayaan ninkii waday gaariga falkan culus geystay. Boolisku waxay sidoo kale sheegeen in ninka falka argagixisnimo geystey uu yahay 48 jir, laakiin weli magaciisa lama shaacin. Dadkii shacabka ahaa ee goobta ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay ka qeyb qaataan dad badan labo qof.

Xigasho/kilde: VG

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments