Larvik: Wiil soomaali ah oo gurigiisa lagu dhex xabadeeyay iyo sadex nin oo norwiiji ah oo loo qabtay

0
154
Foto: Skjermdump: Tønsberg Blad
Foto: Skjermdump: Tønsberg Blad

Wiil soomaali 23-sano jir soomaali ah, ayaa lagu dhaawacay albaabka gurigiisa oo kuyaal magaalada Larvik, kadib markii ay xabado huwiyeen niman norwiiji ah oo albaabka gurigiisa kusoo garaacay. Waxeyna dhaawacyo kasoo gaareen wajiga, isaga oo dhaawaciisa hada lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee Oslo, kadib markii diyaarada gar-gaarka deg-dega ah looga soo qaaday isbitaalka Tønsberg oo markii hore dhaawaciisa la keenay.

Booliska magaalada Larvik ayaa meel aan wax badan ka dheereyn guriga uu falkan ka dhacay kasoo qabtay sadex nin oo norwiiji ah, kuwaas oo hada ku xiran xabsiga. Mid kamid ah ragan ayaa wax ka degan guriga uu degenaa wiilkan soomaaliga ah ee dhaawaca loo geystay, sida uu qorayo wargeyska Tønsberg.

[adsenseyu2]

Saaxiibka 23-jirka dhaawaca loo geystay ayaa sheegay in ragan ay kusoo garaaceen albaabkiisa, kadibna iyaga oo aan waxbo su´aalin ay xabado wajiga u galiyeen. Wuxuuna isaga oo dhaawac dhiig ka daadanayo ah, uu soo aaday guriga wiilkan saaxiibkiisa ah ee Tønsberg Blad u waramay. Wuxuuna sheegay inuu u fidiyay caawinaad, uuna ku wargaliyay booliska oo daqiiqado kadib guriga soo gaaray.

Booliska: Waxay sheegeen inuu jiray khilaaf:

Madaxa danbiyada booliska Larvik ayaa warbaahinta u sheegay in ragan sadexda ah ee danbiga loo soo qabtay, ay ku eedeysanyihiin isku day dil ama ka qeybqaadasho isku day dil. Isaga oo raaciyay inay xabsiga si kumeel gaar ah ugu xirnaan doonaan, inta ay kasoo dhameynayaan baaritaanka dhacdadan.

Booliska ayaa diiday inay faah-faahin ka bixiyaan sababta keentay in ragan ay geystaan falkan, waxeyna si kooban u sheegeen inuu jiray khilaaf, iyaga oo ka gaabsaday inay macluumaad dheeri ah bixiyaan.

Warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Larvik iyo agagaarkeeda, ayaa si aad ah u hadalheyso dhacdadan. Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Tønsberg blad 1, Tønsberg blad 2

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments