lørdag, april 20, 2024

Hooyadu ay boolisku xireen waa uur 8 bilood ah: qareenkeeda oo codsaday in xabsiga laga soo sii daayo

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Namsos, hooyada soomaalida ah ee dhashay gabadhii shaley ku geeriyootay isbitaalka St. olav, isla markaana ay maanta boolisku xabsiga dhigeen ayaa ah qof xaamilo 8 bilood ku dhawaad ah. Hooyadan ayaa sidoo kale leh sadex caruur ah oo da´doodu ay ka hooseyso 10 sano.

Qareenkeeda ayaa isla maantaba maxkamada gobolka Trøndelag u gudbiyay racfaan uu ku codsanayo in hooyada soomaalida ah xabsiga laga soo sii daayo.

Booliska ayaa sheegay in mudada labada isbuuc ah oo ay hooyadaas xabsiga dhigeen aan lasoo booqan karin, isla markaana aan loo soo diri karin wax waraaqo ah, warbaahintuna wax xiriir ah lama sameyn karto mudadaas labada isbuuc ah. Booliska ayaa markii hore rabay in hooyadan ay geeyaan  qeybta kalinimada xabsiga, laakiin maxkamada gobolka Trøndelag ayaa ka diiday arintaas.

[adsenseyu2]

Adeerka gabadha 3 sano jirka ah ee shaley geeriyootay ayaa waxaa sidoo kale lagu xukumay afar isbuuc oo xabsi kumeel gaar ah.  Booliska ayaa hooyada iyo adeerkaba ku eedeynayo inay ka danbeeyeen dhaawacyada madaxa ah oo ay u geeriyootay gabadha sadex sano jirka ah.

Adeerka iyo hooyaduba, waxey iska fogeeyeen danbiga ay boolisku ku eedeeyeen, iyada oo hooyadu ay sheegtay in gabadhi yar ay kasoo dhacday sariir, isla markaana ay horey u qabtay nabar kale oo soo gaaray mar hore oo ay meel barando(balkong) ah kasoo dhacday.

Warbaahinta Norway guud, gaar ahaan kuwa lokalka ah ee deegaanka Namsos ayaa si weyn u hadalhayo dhacdadan qabsatay qoyskan soomaalida ah.

Xigasho/kilde: TV2.NO, NEMDALAVISA.NO, Adressa.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x