Finland: Siyaasi soomaalida caayi jiray oo xisbi xukuumada katirsan madax ka noqday

0
146

Jussi Halla-aho oo kamid ah siyaasiyiinta ugu xagjirsan woqooyiga Yurub, ayaa loo doortay inuu hogaamiye u noqdo xisbiga Sannfinländarna oo kamid ah xisbiyada xukuumada wadaaga ah ee dalka Finland.

Jussi Halla-aho ayaa horey dhowr jeer loogu xukumay hadalo iyo qoraalo isir neceyb ah oo uu ku qoray baraha bulshada, waxaana lagu tiriyaa inuu fikir ahaan raacsanyahay kooxaha midigta fog ee xagjirka ah.

Bartamihii Sanadkii 2016 ayaa waxaa ninkan lagu eedeeyay inuu si gaar ah u beegsaday qowmiyada soomaalida, waxaana booliska dalkaas ay kusoo oogeen dacwad la xiriirta isir neceyb. Iyada oo markii danbena lagu xukumay inuu bixiyo lacag ganaax ah.

Ninkan ayaa lahaa blogg(bog shaqsiyeed oo internetka ah), wuxuuna kusoo bandhigi jiray qoraalo uu ku cabariyo fikirkiisa. Waxaana bogiisa ku xirnaa boqolal kun oo qof, waana mid kamid ah sababaha keentay inuu dadweynaha reer Finland ku dhex yeesho helo shacbiyad. Wuxuu qoraaladiisa kusoo bandhigi jiray naceybka uu u qabo Islaamka, soo galootiga iyo waliba midowga Yurub ee EU-da.

Wasiirka arimaha dibada Finland ayaa ahaan jiray gudoomiyaha xisbiga uu ninkan hada gudoomiye ka noqon doono. Doorashada Jussi Halla-aho ayaa aad looga hadalhayaa dhamaan warbaahinta caalamka.

Xigasho/kilde: Klassekampen.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments