tirsdag, april 23, 2024

Dowlada Norway rabto in booliska awood loo siiyo inay ogaan karaan macluumaadka dad degan kaamamka qoxootiga

Wasaarada dastuurka iyo amniga dalkan Norway, ayaa shaley soo bandhigtay soo jeedin ah in booliska la siiyo awood dheeri ah oo ay ku ogaan karaan macluumaadka dadka magangalyo doonayaasha ah ee degan kaamamka qoxootiga.

Soo jeedintan ayaa booliska siineyso awood ah inay markii ay u baahdaan heli karaan macluumaadka dadka degan xeryaha qoxootiga iyo xarumaha lagu hayo da´yarta magangalyo doonayaasha ah, kuwii horey u degenaa iyo kuwa hada deganba. Waxeyna ka dhigantahay inay heli karaan macluumaadka shaqsiga kujiro xerada qoxootiga, sida magaciisa, da´diisa iyo meesha uu kasoo jeedo.

Wasiirka arimaha soo galootiga, Per Sandberg(FRP) ayaa sheegay in arintan ay booliska u sahleyso inay ka hortagi karaan danbiyada, isla markaana ay si fiican uga warhayaan xaalada dadka ku sugan xeeradaas, hadii ay u baahdaan wax baaritaan ah. Wuxuuna raaciyay in arintan ay sidoo kale xoojineyso amaanka.

Xigasho/kilde: NTB/Avisenagder

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x