300 qof oo shaley isugu soo baxay banaanbax looga soo horjeedo falkii lagu dhaawacay hooyada soomaalida ah

0
164
Foto: Skjermdump: Dagbadet

Dad kor u dhaafayo 300 oo qof ayaa shaley isugu baxya banaanbax looga soo horjeedo falkii cunsurinimada ahaa ee isbuucii hore lagu dhaawacay hooyada soomaalida ah xaafada Grünerløkka ee magaalada Oslo.

Isbuuc kahor ayey laheyd markii hooyo soomaali ah ay labo nin oo norwiiji ah ay toori ku dhaawaceen xaafada Grünerløkka, waxeyna dhaawac ka gaarsiiyeen labada gacmood. Warbaahinta Norway ayaa isbuucii ugu danbeeyay aad u hadalhayay dhacdadaas, waxeyna abuurtay dood aad u tiro badan.

Siyaasiyiinta lokalka ah ee xaafada Grünerløkka ayaa soo agaasimay banaanbaxaas, waxeyna sheegeen inay muhiim tahay in mar kale la muujiyo in dadka degan xaafada iyo siyaasiyiintoodaba ay si wadajir ah uga soo horjeedaan falkaas, isla markaana la cadeeyo in xaafadu ay tahay mid dadka dhan u dhaxeyso, cidna aan lagu faquuqi karin.

Xigasho/kilde: VartOslo.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments