Ringerikes blad: Bashiir Hønefoss oo sabab u ahaa in madaxa shaqadiisa(sjef) ay sadex maalin bisha Ramadaan ka soomi doonto

0
176

Wargeyska lokalka ah ee Ringerikes Blad ayaa bogiisa koowaad kusoo daabacay warbixin ka hadleyso, in Abwaan Maxamed Bashiir (Hønefoss) uu sabab u ahaa in madaxa(sjefka) shaqadiisa oo ah haweeney norwiiji ah, ay bishan Ramadaan markii ugu horeysay nolosheeda ay soomi doonto.

Tove Brorson ayaa ah madaxa xerada qoxootiga Hvalsmoen, oo ah goobta uu ka shaqeeyo Maxamed bashiir Hønefoss oo kamid ah abwaanada iyo qoreyaasha soomaalida reer Norway.

NorSom News ayaa xiriir la sameysay M. Bashiir Hønefoss, si aan wax uga weydiino, qaabka uu madaxiisa shaqada uga keenay inay markii ugu horeysay nolosheeda ay soonto. Bashiir ayaa noo sheegay:

Markii ay soo dhowaatay bisha ramadaan, ayaa waxaa la ii xilsaaray in aan diyaariyo barnaamijka ramadaanta ee xerada Hvalsmoen oo aan ka ahay Koordinator(isuduwe). Waxaan markiiba diyaariyey barnaamijkii ramadaanta ee sanadkan 2017, kaas oo ahaa in dadka loo sameeyo afur iyo casho , suxuurtoodana la siiyo oo ay gurayaha u qaataan.

[adsenseyu2]

Si aan u helo tirada, ulana socono inta sooman, ayaan sameeyey warqad aqoonsi ah oo ay ku sawirantahay bisha ramadaan kuna qoran tahay Ramadaan kareem. waxaana lagu sii qorayaa magaca qofka sita. Haddaba markii aan diyaariyey waraaqahaas aqoonsiga, ayaan maamulaha xerada oo la yiraahdo aan usoo bandhigay aqoonsigii ama kararkii aan sameeyey, waxaana karkii u horeeyey ku qoray magaceeda aniga oo ugu qoray 2 maalmood oo tijaabo ah.

Hadaba Tove ayaa kaarkeedii ama aqoonsigii ku soo bandhigtay boggeeda facebooka, waxaana halkaas ka arkay dadkii bogeeda ku xirnaa, waxaana markiiba lagu bobay like iyo ka helis badan.

Markii ay Tove barteeda facebooga galisay kaarka uu gudoonsiiyay Bashiir Hønefoss, ayna bateen dadka commentiyada ka bixinaya, waxaa xiriir lasoo sameeyay wariye ka socdo wargeyska Ringerikes blad, kaas oo ka diyaariyay warbixintan baraha bulshada deegaankaas aad looga hadalhayay dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyay.

Tove ayaa ugu danbeyn aqbashay soo bandhigistii Hønefoss, waxeyna ku adkaysatay inay soomi doonto 3 maalmood, ayna u tahay noqon doonto khibrad iyo waayo-aragnimo nololeed. Ayada oo raacisay inay doonayso in ay dareento dareenka ay qabaan dadka ku jira xerada ay masuulka ka tahay iyo shaqaalaha oo qaar badani muslimiin yihiin.

Haweeneydan ayaa sheegtay in waxa ugu daran oo ay ka fakareyso ay tahay, sida ay suurtogal ku noqon doonto in saacadahaas tirada badan, ay joogto kaffe iyo shaah la´aan. Waxeyna raacisay inay ka cabsaneyso inay ku lala-booto cuntada ay cuneyso xiliga danbe ee fiidka ah, oo uu afurku soo galayo.

Kadib markii uu soo baxday warbixinta wargeyska Ringerikes Blad, waxaa fikiro kala duwan ka dhiibtay dadka deegaanka, iyada oo barasha bulshada deegaankaas aad looga hadalhayay warbixinta uu wargeyskaas ka qoray arintan. Dadka Qaarkood ayaa soo dhaweeyay talaabada Tove, iyaga oo sheegay inay muhiim tahay in la isku muujiyo ixtiraan, lana tijaabiyo dhaqamada kala duwan ee dadka wadanka Kunool. Halka dadka qaarkood ay sheegeen inay kasoo horjeedaan in mujtamaca lagu faafiyo dhaqamo iyo diimo ka duwan tan Norwiijiga, waxeyna uga jawaabeen si caro leh.

Bashiir Hønefoss ayaa ugu danbeyn NorSom News u sheegay:

Dhankayga arrintu waxay ii ahayd mid caadi ah iyo in dad badani ay ka fekeri doonaan ramadaanta iyo islaamka, baranna doonaan. Sidoo kale waxey arintan noqon kartaa bilow cusub oo noo furmay anaga, ka muslimiin ahaan iyo bulshada aan la noolnahay.

Xigasho/kilde: Ringerikes Blad(halkan ka akhri warbixinta wargeyska).

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments