Luuqada Norwejigu Waa Albaabka Laga Soo Galo mujtamaca Iyo Isbedelka Loo baahanyahay

0
178

Luuqada Norwejiga waa albaabka laga galo waxbarashada dalkan, shaqada iyo la joogitaanka dadkaba. Waxaa kale oo muhiim ah in uu qofku barto luuqada dalkan, si uu u fahmo xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran, marka uu yahay qofku qof ka tirsan mushtamaca dalka. Meel walbo oo aad caalamka ka joogto dunidda waa muhiim inaad barato luuqada dalka aad ku nooshahay, si aad wax badan ugu fahanto bulshadaasi aad ku dhexnooshahay.

Qofka oo aan garanahayn sharciyada kama dulqaadayso inuu u hoggaansamo. Xeerarka xagga nabadgelyadda ku saabsan ee nolol-maalmeedkiisa qofka la kulmo, badanaaba waa kuwa ku qoran luuqadda Norwejiga. Waalidiinta leh caruurta gaartay da’dii iskuulka, waxaa ka saaran masuuliyad gaar ah in ay bartaan luuqada Norwejiga si ay caruurtoodda ula socdaan, isla markaana u fahmaan fariimaha caruurtooda looga soo dhiibo iskuulka iyo si ay wada shaqeyn fiican ual yeeshaan macalimiinta iyo maamulka iskuulkaba.

Waxaa kaloo jirta markasta oo ay badato la joogitaanka qofka la joogo dadka Norwejiga ah, waxaa sii fududaanayso barashada luuqada. Sidaa daraadeed ayay muhiim u tahay in qofku isku dayo in uu xiriir la sameeyo dadka Norwejiga ah. Qofka waxa kale oo uu isku deyi karaa in uu ka qayb qaato ururada xafada ka jira ama gudiyadda waalidiinta.

Fursadaha aad ku barani karto luuqada Norwejiga intaas kuma eko, waxaa kale oo jira meelayoow badan. Waxaa suurtogal ah in qofku ka helo caawimo xagga casharada ah, iyo taageerid xagga barashada luuqadda Af-norwejiga ah oo ay sameeyaan kooxo iskaa wax u qabso ah. Degmooyinka qaarkoodna waxay leeyihiin dad hagayaal ah oo dadka qaxootiga ah ee cusub tilmaama. Waxaa jira waxyaabo badan oo aadan oagayn oo aad xaq u leedahay balse ay ku ciilayso luuqadda dalka. Laga  soo bilaabo 1-da sebtember 2005ta muhaajiriinta dalka ku cusub waxaa ay xaq u leeyihiin waajibna ku ah 250 saacadood oo barashada Afka Norwejiga ah iyo 50 saacadood oo ah barashada mushtamaca Norwey.

[adsenseyu2]

Waxaa waqtiyadaan dambe jiro meelo badan oo aad ka faa’ideysani karto inaad luuqadda Norwejiga ka barato. Haddii Youtube-ka gasho waxaad arkaysaa cashiro badan oo luuqadda ah. Website-yada ha sheegin. Waxaad kaloo wakhtiyadaan dambe heli kartaa luuqadda Norwejiga oo aad Af-soomaali ku barani karto waliba adigoo gurigaadda fadhiyo amaba adigoo jooga goobaha shaqada. Waxaa jira website aad si toos ah ugu barani karto luuqada waliba adigoon u baahneen qof ku hortaagan. Haddii aad doonayso inaad wax badan ka ogaato arrintaa Guji link-gaan http://tukesomalism.com/courses/course/grunnleggende-norsk-sprak-koorso/

Qof walbo wuxuu jecelyahay innuu gaaro horumar la taabani karo. Balse ciyaar-ciyaar kuma timaado horumarka aad marwalbo niyadda ku hayso. Dadka qaar waxaa la sheegaa inay riyoodaan iyagoo socda, qaarn waxay riyoodaan iyagoo jiifa. Riyo aan miro-dhal lahayn waxbo ma tarto, waxaa loo baahanyahay in riyadaada noqoto mid miro-dhal leh. Waxaad kasoo tagtay waalidkii, eheladdii aad jeclayd, qofkii nolosha aad ugu jeclayd oo aad rajeynaysay inaad guursato, ciyaalka xaafadda oo aad ugu xiisto marwalbo. Cidwalbo wey dareemi kartaa qofka markuu ka tago gurigii, deegaankii iyo waliba noloshii uu u bartay markuu ka tago. Waxaana wanaagsan inaad naftaada u sheegto inaad tahay shaqsi isbedel sameyni karo marwalbo, waad sameyni kartaa waadna guulaysani kartaa haddii aad u kabo gashato inaad wax qabsato.

Waxaan ka wada marqaati nahay dalkaan Norwey waxaa kunool Soomaali badan oo aanan wali fahmin wadciga ka jira dalkaan iyo qalallaadka ay ka fahmeen nolsoha dalkaan. Qof walbo oo bini’aadam ah wuxuu u baahanyahay innuu sameeyo isbedel marka uu tago dhul cusub iyo nolol cusub. Sawabtoo ah adigaba waad fahmi kartaa sawabta kaasoo kaxaysay dalkaada hooyo.


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda, khibradaada ama hamigaada aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee kunool woqooyiga Yurub, waxaad qoraalkaada noogu soo aadin kartaa: NorSomNews@gmail.com 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments