tirsdag, april 16, 2024

Per Sandeberg: Waa muhiim inaan abaalmarin la siinin khiyaanalow-yaasha

Wasiirka kumeelgaarka ah ee arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka, Per Sandeberg ayaa isaga oo ka hadlayo xukunka maxkamada ee Mahad Abiib sheegay, inay muhiim tahay inaan la abaalmarin khiyaanalowyaasha. Isaga oo kudaray inay muhiim tahay inaan sharciga jinsiyada norwiijiga, si fudud aan lagu siin dadka isku dayaya inay wax isdaba-mariyaan. 

Per Sandeberg(frp) ayaa dhanka kale sheegay in si kasta oo uu qofku mudo dheer aad u taganaado Norway, aanan sinaba loogu tixgalin doonin, marba hadii uu ka been-sheegay aqoonsigiisa shaqsiga, markii uu wadanka iska dhiibayay. 

Hadalka Per Sandeberg ayaa kusoo aadayo, iyada oo xisbiyo dhowr ah ay dalbadeen in la xadido xiliga qofka laga qaadi karo sharciga jinsiyada, iyada oo loo fiirinayo inta sano ee uu wadanka degenaa. 

Wasiirkan oo ah gudoomiye ku xigeenka FRP ayaa sidoo kale sheegay in xukunka maxkamadu uu cadeyn u yahay in Norway ay kajirto xaqiijinta xaqa sharciyeed ee qofka oo dhab ah. 

Xisbiga FRP ayaa maanta kujiro ililaas iyo dabaaldeg, maadaama ay heleen cadeyn ay adeegsadeen, iyaga oo ka duulayo go´aanka maxkamada. 

Xigasho/kilde: NRK, NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x