Sh Cali: Waan fiicnahay, ee guryihiina fariista.

0
199

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada ee soomaalida lagu qorayay warar ku saabsan xaalada caafimaad ee Sh/Dr Cali Maxamed Saalax oo ah imaamka masaajidka Towfiiq ee Oslo iyo caalim kamid ah culimada waaweyn ee soomaalida.

Dr Cali ayaa kamid ah dadka soomaalida ah ee xanuunka Covid-19 uu ku dhacay gudaha dalkan Norway.

Fariin cod ah oo Dr Cali uu soo duubay ayuu ku sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u fiicantahay, uuna ilaahay u aqbalay ducadii ay usoo duceeyeen dadka muslimiinta ah ee daafaha caalamka kunool. Hadana ay xaaladiisu ay meel fiican mareyso, isaga oo dadka kale u xanuunka uu ku dhacay u rajeeyay caafimaad, uguna duceeyay inuu ilaahay ka caafimaadiyo.

Sheikh Cali ayaa soomaalida kula taliyay inay guryahooda joogaan, si ay uga badbaadaan inay xanuunka qaadaan, kuwo qaadeyna ka codsaday ineysan guryahooda soo dhaafin.

Halkan ka dhageyso fariinta codka ah ee Dr Cali.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe(Abonner), si ay toos kugu soo dhacaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments