Qoys Soomaaliyeed oo ka qeybgeli waayay aaska wiilkooda oo Corona u dhintay.

0
187

Qoyska wiil Soomaali ah oo u dhintay xanuunka Coronavirus ayaa ka qeybgeli waayay aaskiisa oo lagu qabtay magaalada London kadib markii laba ka mid ah walaaladii lagu arkay calaamadaha corono. Taa soo sababtay in la karantiilo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay qoyska.

Ismaaciil Maxamed oo 13 jir ahaa ayaa Isniintii ku dhintay isbitaalka King’s College ee magaalada London.

Jimcihii ayaa la aasay balse hooyadii iyo lix walaaladii ah ayaa ku jira karantiil umana suraglin inay aaskiisa ka qeybqaataan.

Qof u hadlay qoyska ayaa sheegay in ‘ay aad uga murugoodeen» inaysan ka qeybgelin aaska wiilkooda balse waxaa la sheegay in loo diyaariyay qaab muuqaal ah inay toos uga daawadaan aaska internet-ka iyagoo gurigooda jooga.

Marxuumkan da’da yar waxaa la aaminsan yahay inuu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee coronavirus ugu dhintay gudaha UK.

Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa sheegay in dhimashada wiilkan yar loo sababeeyay saameynta xanuunka corona, laakiin wax faah-faahin dheeri ah ma uusan bixinin.

Qoyska Ismaaciil oo bayaan ay soo saareen uu shaaciyay qof saaxiib la ah ayaa sheegay «inay musiibo weyn ku tahay» geeridiisa.

Waxay intaas ku dareen inuusan horay u qabin cudurro muuqday oo dhibaato ku ahaa caafimaadkiisa, wixii ka horreeyay isbuucii hore oo laga helay Covid-19.

Qoyskiisa waxay ku sheegeen inuu haa »wiil naxariis badan misana lahaa dhoolacaddeyn diiran»

Waxay dadweynaha ugu baaqeen inay dhageystaan talooyinka dowladda sida kala fogaanshaha bulshada.

In ka badan £67,000 ayaa qoyskan loogu uruuriyay bogga GoFundMe oo uu furay Mark Stephenson oo ah afhayen u hadlay qoyskan.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments