Maxkamada EU: Waa sharci daro in la diido dib u dajinta qoxootiga.

0
119

Maxkamada Midowga Yurub ayaa go´aan ay soo saartay ku sheegtay inay sharci daro tahay in Wadamada katirsan EU-da ay diidaan inay qaabilaan qoxootiga magangalyo doonka ah.

Maxkamada ayaa qaaday dacwad ka dhan wadamada Poland, Hungry iyo Czech republic, kuwaas oo sanadkii 2015 diiday inay dib u dajin u sameeyaan qoxooti ay dalalka Yurub ku heshiiyeen inay qeybsadaan, dib u dajina u sameeyaan. Si culeyska looga qaado dalalka Italy iyo Malta oo codsaday in lala qeybsado culeyska qoxootiga ku yimaada doomaha.

Waxaana sadexdaas wadan kusoo aaday inay dib u dajin u sameeyeen 10.000 qof oo qoxooti ah, kuwaas oo ahaa saamigii kusoo aaday dalalkaas. Dalalka kale ee EU-da ayaa qaatay tirada qoxootiga kusoo aaday, balse sadexdaas wadan ayaa diiday inay hal qofna qaabilaan.

Maxkamada EU-da ayaa sheegtay in sadexdaas wadan ay jabiyeen heshiiska kamid ahaanshaha EU-da, ayna sharci daro aheyd inay diidaan dib u dajinta qoxootiga ee midowga Yurub ay ku heshiiyeen.

Waxaana hada la filayaa in lagu xukumi doono malaayiin Euro oo ganaax ah.

F.G: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe dheh(Abonner) barteena Youtube-ka.

Xigasho/kilde: EU-dom: Ulovlig å ikke ta imot flyktninger

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments