FHI: Tirada soomaalida laga helay covid-19 oo mareyso 271 qof.

0
133

Fiiro gaar ah: Waxaan dareensanahay in dad badan oo soomaali ah ay dhibsan karaan ka hadalka iyo soo bandhigista arintan, balse ka warbaahin ahaan waxaa na saaran waajib ah soo gudbinta xaqiiqooyinka jira iyo warbixinada ay soomaalida ka qoraan hey´addaha dowlada iyo warbaahinta Norway. Hadii aad dhibsato iyo hadii aadan dhibsanba, waxaa muhiim inaad ogaato xaqiiqada jirta.


Waaxda dowlada Norway u qaabilsan caafimaadka dadweynaha ayaa warbixinta maalinlaha ah ee tirokoobka dadka uu ku dhacay xanuunka Covid-19, ku sheegtay in ilaa hada ay Norway xanuunka laga helay 5510 qof.

Waxaana 24-tii saac ee ugu danbeeyay tirada dadka xanuunka qaaday kusoo kordhay 302 qof.

271 soomaali ah:

Waaxda FHI ayaa isbuucii ugu danbeysay tirokoobkeeda kusoo dartay qodob ku saabsan meesha ama dalalka ay ku dhasheen, dadka la baaray ee xanuunka laga helay. Waxaana ay FHI sheegtay in 1096 qof oo dadka xanuunka laga helay kamid ah ay ku dhasheen dal Norway ka baxsan.

Waxaa dadkaas kamid ah 271 qof oo Soomaaliya ku dhashay ama soomaali ah(?).

Arintan xiisaha leh ee tirokoobka FHI ee soomaalida xanuunka qaaday ku saabsan, ayaa ah in 162 qof oo kamid ah soomaalida xanuunka laga helay ay ka qaadeen Norway gudaheeda. Halka 109 qof oo soomaali ah ay xanuunka qaadeen meel Norway ka baxsan ama aan la ogeyn meesha ay ka qaadeen.

Waxaa xusid mudan in tirada soomaalida xanuunka laga helay ay sadexdii maalin ee ugu danbeysay ku korortay 71 qof. Maadaama ay arbacadii ahaayeen 201 qof. Warbixinta FHI ayaa ah mid maalinle oo 24-tii saacba hal mar soo baxdo.

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri rapportka FHI ee maanta soo baxday oo dhameystiran.

Si aad aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix: kadibna Subcribe saar(Abonner).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments