Wadan aan muslim aheyn oo guud ahaan khamriga mamnuucay.

0
115

Ismaamulka jaziirada Greenland ee dhaca cirifka woqooyi ee aduunka ayaa guud ahaanba dalkaas ka mamnuucay khamriga iyo cabitaanada kale ee khamriga lagu dhex daro.

Greenland ayaa ah dal iskiis u madax banaan, balse dowlad ahaan hoos taga Denmark, waxaana inta badan loo xisaabiyaa gobol Denmark, katirsan, inkasta oo hadana dal ahaan loo tiriyo.

Kim Kielsen oo ah madaxa ismaamulka Greenland ayaa sheegay in go´aankan ay u gaareen, si loo ilaaliyo caruurta ku sugan guryaha, xiligan lagu jiro karantiilka xakameynta cudurka Corona-virus. Ujeedkuna uu yahay ilaalinta caruurta iyo ineysan dhibaato kasoo gaarin waalid khamri cabsan, xiligan ay caruurto guryaha joogaan.

Greenland waxaa kunool dad gaaraya 56 kun oo qof, waxaana ilaa hada xanuunka Corona-virus laga helay 18 qof.

NB: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, Riix halkan, Barfteena Youtube-ka kadibna Subcribe saar(Abonner).

Xigasho/kilde: Grønland Forbyr Alkohol.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments