torsdag, april 18, 2024

Waa kuma Tim Mynett, odeyga cusub ee Xildhibaan Ilhaam Cumar.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorta Minnesota ayaa shaacisay inay aqal gashay.

Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub, Tim Mynett, iyadoo ku qortay: «Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah,»

Haddaba waa kuma Tim Mynett?

Tim Mynett oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa la sheegay inuu dhashay sanadkii 1981, waxna ku bartay jaamacadda New York.

Bartiisa LinkedIn ayuu ku xusay in sanadihii 2001 iyo 2002 uu wax ku bartay jaamacadda Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa uu soo bartay culuunta siyaasadda oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 2003, wixii intaa ka dambeeyayna waxaa uu lasoo shaqeeyay hey’ad la yiraahdo Alliance for Justice kahor inta usan ku biirin shirkadda E Street Group.

Waxaa uu horay usoo maray guur, waxaana ay wada joogeen Beth Mynett oo ay dhawaan kala tageen.

Mynet waxaa uu ka tirsan yahay E Street group oo ah shirkad inta badan ka shaqeysa istaatijiyadda ololaha doorashooyinka, dejinta qorsheyaasha musharixiinta doorashooyinka iyo shaac bixinta.

Inkastoo aan la garaneynin waxaa uu shirkadaas ka yahay ayaa haddana waxaa uu la soo shaqeeyay Ilhan Cumar. Waxaa Ilhan u qaabilsanaa dhanka ololaha doorashada, waxaana hadda la sheegaa in uu yahay la-taliyaheeda arrimaha siyaasadda.

Sida ku qoran barta uu ku leeyahay LinkedIn, Tim waxaa uu ku takhasusay sidii ay xubnaha Congress-ka, musharixiinta u tartamaya xilalka, hey’adaha samafalka iyo ururada siyaasadda ay u heli lahaayeen lacago tabarucaad ah.

Sidoo kale shirkadda uu ka tirsan yahay ee E Street Group ayaa qabata hawlo ay kamid yihiin shaac bixinta, xayaysiinta, qaabeynta, cilmi-baarista iyo dhaqaale ururinta.

Guddiga doorashooyinka heer federal ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Ilhan Cumar ay lacag dhan 230 kun oo dollar ay siisay shirkadda uu Tim ka tirsan yahay ee E Street Group tan iyo sanadkii 2018, lacagahaas oo loogu qaban jiray latalin dhanka siyaasadda iyo istaraatijiyadda ololaheeda doorashada.

Mynett waxaa uu sidoo kale lasoo shaqeeyay siyaasiyiin badan oo laga soo doortay Minnesota, kuwaas oo uu kamid yahay Keith Ellison oo horay usoo qabtay xilka Ilhan ay hadda hayso.

Tim Mynet iyo xaaskiisa ayaa kala tegay sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii ay sheegtay inay ku tuhmeyso in uu xiriir la leeyahay Ilhan Cumar.

Warbaahinta Fox News ayaa ku warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xiriir jaceyl la leehay Ilhaan Cumar.

Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay Soomaaliya.

«Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,» sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x