Sweden:Haweenay soomaali ah oo u geeriyootay caabuqa Corona-virus.

0
116

Wasaaradda caafimaadka dalka Sweden ayaa arbacadii lasoo dhaafay xaqiijisay in qofkii ugu horeeyay ee dalkaas u geeriyooday caabuqa Corona. (Halkan ka akhri-sel.se). Waxeyna sheegeen inuu geeriyooday qof waayeel ah oo horey ula ildarnaa xanuun hayay, mana aysan sheegin jinsiga qofka iyo waliba da´diisa.

Balse soomaalida dalka Sweden ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad u hadalhayay in qofka geeriyooday ay aheyd hooyo soomaali ah oo waayeel aheyd. Iyada oo hadalheyntaas ay aad ugu badneyd magaalada Stocklom iyo agagaarkeeda.

NorSom News oo xiriir la sameysay soomaalida ku dhaqan Sweden, ayaa ugu danbeyn noo xaqiijiyay in qofka arbacadii u geeriyooday xanuunka caabuqa Corona, ay aheyd hooyo soomaali ah oo waayeel ah.

Marka laga tago hooyada soomaalida ah, waxaa iyadna shaley dalka Sweden ku geeriyootay haweenay kale oo waayeel ah.

Dadka ugu badan ee ilaa hada cudurka u geeriyooday, ayaa ah waayeelka horey u xanuunsanaa iyo dadka uu dabcay difaaca jirkooda sababo xanuun kale ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments