torsdag, april 25, 2024

Stange: Qof ayuu ku qufacay: 10.000 kr ayay boolisku ku ganaaxeen.

Nin afartameeyo jir ah ayay galabta boolisku magaalada Stange xabsiga dhigeen, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku qufacay qof shaqaale ah, isaga oo sheegaya inuu qabo caabuqa corona-virus.

Ninkan ayaa galabta galinkii danbe tagay xarunta dhakhtarka, isaga oo afka ku qabo marada afka lagu xirto(Munnbind). Kadib ayuu maradii afka ka qaaday, wuxuu qufac la raadsaday qof shaqaale ah, wuxuuna ku qeylinayay inuu qabo cudurka Corona-virus.

Booliska ayaana loogu wacay, iyaga oo xabsiga dhigay, kadibna sii daayay markii uu aqbalay ganaax lacageed oo dhan 10.000 kr.

Ma ahan qofkii koowaad ee qufac uu dad la raadsaday ama ku dul qufacay ay boolisku xabsiga u dhigeen maalmihii ugu danbeeyay. Sabtidii tareenka magaalada Bergen ayaa sidan oo kale xabsiga u dhigay nin ku qufacay dadka tareenka saarnaa.

Kadib markii la xaqiijiyay inuu ninkaas si run ah u qabay caabuqa Corona, waxaa karantiilis lagu sameeyay dhamaan rakaabkii tareenka saarnaa iyo waliba askartii booliska aheyd ee ninkaas qabatay.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x