SSB: Tiradan soomaalida ah ayaa Norway kunool.

0
88
Foto: Cali wadani

Wakaalada xog uruurinta iyo tirokoobka Norway ee SSB, ayaa soo saartay tirokoobka sanadlaha ee tirada bulshada guud ahaan kunool Norway. waxeyna tirokoobkeeda ku sheegtay in ku dhawaad 800.000 qof oo u dhiganta 15% bulshada Norway kunool, ay yihiin dad soo galooti iyo caruur ay wadanka ku dhaleen. Halkan kasii akhri.

Soomaalida: Qowmiyada sadexaad.

Sida lagu sheegay tirokoobka SSB, soomaalida ayaa ah qowmiyada sadexaad ee ajnabiga ah ee ugu badan ajaaniibta kunool Norway. Waxaana ka horeeyo oo kali ah Dadka ka yimid dalalka Poland iyo Lituen.

Si kale hadii loo dhigo, soomaalida ayaa ah ajaaniibta ugu badan Norway ee cadaanka Yurubiyaanka ah aan aheyn.

SSB ayaa tirakoobkeeda ku sheegtay in dhamaadka sanadkii tagay ee 2019, ay Norway ku noolaayeen 43 273 qof oo soomaali ah. Kuwaas oo isugu jiro 28 554 qof oo soomaali ah oo Norway aan ku dhalan(Iyaga oo waaweyn yimid) iyo 14 719 oo ah caruur soomaali ah oo wadanka ku dhalatay ah.

Sida ka muuqato warbixinta SSB, Soomaalida ayaa isku cel-celis ah qowmiyada labaad ee ugu caruur dhalka badan ajaaniibta Norway, marka laga soo tago Polandiiska.

SSB ayaa sidoo kale sheegtay in tirada soomaalida ah ee wadanka soo galeysay ay sanadkii tagay aad u yareyd, marka lala barbardhigo sanadihii ka horeeyay.

Xigasho/kilde: Halkan ka daalaco tirakoobka SSB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments