SSB: 3000 soomaali ah ayaa sanadkii tagay helay jinsiyada Norway.

0
124
Soomaalida Norwey

Sida lagu sheegay tirkokoob ay sameysay wakaalada tirakoobka ee SSB, waxaa sanadkii hore ee 2019 dhalashada Norway helay 13.200 qof oo ajaaniib ah. Tiradaas oo 3000 qof ka badan tirada dadkii jinsiyada helay 2018.

78% dadka dhalashada ay Norway sanadkii hore siisay, ayaa kasoo jeedo dalalka Afrika iyo Aasiya. Gaar ahaan dalalka Geeska Afrika.

Tirokoobka SSB, waxaa ka muuqdo in sanadkii tagay ay dhalashada Norway heleen qiyaastii 3000 qof oo soomaali ah. Soomaalida ayaana ah guruubka ugu badan ee ajaaniib ah ee sanadkii 2019 helay dhalashada Norway.

Waxaa soomaalida kusoo xigta oo booska labaa kujira dadka kasoo jeedo Ereteriya. 1400 qof oo Ereteriyaan ah ayaa sanadkii hore helay jinsiyada Norway.

F.G: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar/Abonner.

Xigasho/kilde: De største gruppene som fikk norsk statsborgerskap, var somaliske og eritreiske statsborgere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments