Sabriina Dhowre: Ma rabin inaan cidleeyo ninkeyga oo laga helay Corona-virus.

0
183

Sabrina Dhowre oo ah xaaska jilaaga Hollywood-ka Idris Elba ayaa xaqiijisay in uu ku dhacay fayraska corona, todobaad ka dib markii fayraska laga helay ninkeeda.

Sabrina ayaa difaacay go’aankii ay ku ag-joogtay saygeeda oo ku jiray karantiil, waxay u sheegtay barnaamijka cusub ee Oprah Winfrey ay ka bilowday Apple TV+ «Inay ay doonaysay la joogitaanka Idris, isla markaana ay dareemaysay dabciga xaasnnimo ee ah in ninkeeda ay daryeesho»

Lammaanaha ayaa ku sheegay wareysiga in ay hadda ku jiraan karantiil ayna ku sugan yihiin gobolka New Mexico, ee dalka Mareykanka, halkaasi oo jilaaga filimkiisii ugu dambeeyey lagu diyaarinayo.

«Dhab ahaantii, maanta ayaan ogaaday inaan qabo fayraska» ayey Sabrina ugu sheegtay Oprah iyadoo kula hadlaysay Facetime-ka Sabtidii.

«Go’aan waan sameyn lahaa aan nafteyda ugu galiyo qol gaar ah, ama aan ka fogaado, laakiin waxaan qaatay go’aan ah innaan isaga la joogo oo waliba xitaa jirkeenu is taabto» ayay tiri Sabrina.

Sabrina oo ka hadlayey caafimaadkeeda iyo waxa hadda ay dareemayso ayay tiri «Ma dareemayo wax dadku ay filan lahaayeen, sida calaamadaha fayraska corona, taasi oo ah wax la yaab leh»

Waxay sii raacisay «Laga yaabee inay isbadasho todobaadyada soo socda, waan idinla socodsiin doonaa, kaliya waxa walwalka ah ayaa ah innaan halkan labadeennu fadhino, laba qof oo calaamadaha laga helay».

Xaaska aktarka ayaa aad loogu dhaliilay in ay nafteeda ka dheerayn wayday Idris markii laha helay fayraska covid-19.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments