Oslo: Booliska oo gudaha u galay maqaaxiyo shaaxa ee soomaalida.

0
293

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen dhowr qof oo goobjoogayaal ah oo kala duwan, booliska magaalada Oslo ayaa isbuucii ugu danbeeyay dhowr mar gudaha u galay, maqaaxiyaha shaaxa ee soomaalida ee kuyaal xaafada Grønland ee Oslo.

Waxeyna boolisku kala direen, dad gudaha maqaaxiyaha ku sugnaa, aadna isugu dhawaa, xili ay Norway aad usii kordheyso tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Corona-virus. Waxaana naloo sheegay in maqaaxiyaha qaarkood ay si caadi ah u shaqeynayeen, laguna ciyaariyay ciyaaro kala duwan oo ay kamid tahay Turubka, laandhuuga iyo dubnada.

Si aad u daawadato wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Wasaarada cadaalada Norway ayaa awood dheeri ah siisay booliska, si ay u qaban karaan shaqooyin aysan markii hore awood sharci u weysan. Waxaana kamid ah la socoshada dhaq-dhaqaada dadka uu xanuunku ku dhacay ee la ogyahay, iyo inay kala diri karaan dadka ku uruursan meelaha la isugu yimaado.

Masaajida, kaniisadaha, Maqaaxiyaha shaaxa, baararka khamriga, Kulaabyada(Clubb) iyo dhamaan meelaha kale ee la isugu imaan jiray ayaa la mamnuucay, si looga hortago faafitaanka xanuunka.

Maqaaxiyaha cuntada caadiga ah laga cuno ayaa wali loo ogolyahay inay sii furnaadaan, hadii labada qof ee wax cuneyso ay u dhaxeyso ugu yaraan hal mitir oo kala fogaansho ah.

Inkasta oo aan la ogeyn tirada dadka soomaalida ah ee Norway uu soo ritay xanuunkan, laakiin dalka Sweden waxaa cudurkaas u geeriyootay ugu yaraan 10 qof oo soomaali ah, si ay xaqiijiyeen warbaahinta dalkaas.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments