Oslo: 40.000 ayaa lagu ganaaxay, markii uu dhowr mar kasoo baxay karantiilka

0
143

Booliska magaalada Oslo ayaa habeenkii isniinta xabsiga dhigay nin 22 sano jir ah oo dhowr mar jabiyay karantiilka la galiyay, isaga oo lagu wargaliyay inuu gurigiisa joogo 14 maalmood.

25-kii bishan Maarso ayaa ninkan lagu wargaliyay inuu karantiil galo, kadib markii uu Sweden kasoo noqday. Balse dhowr mar oo kala duwan ayay boolisku banaanka ku qabteen, isaga oo jabiyay karantiilkii la saaray.

Habeenkii isniinta oo ay mar kale boolisku qabteen, ayaa lagu ganaaxay 40.000 kr oo ganaax ah.

22-jirkan ayaa dalbaday waqti uu kaga soo fakaro ganaaxa. Hadii uu diido inuu bixiyo ganaaxa lagu xukumay, wuxuu kiiskan tagi karaa maxkamada.

F.G: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe ku samee(Abonner).

Xigasho/kilde: Oslo: 40.000 i bot for karantenebrudd

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments