Norwiijigii ugu horeeyay ee Corona-virus laga helay oo ka caafimaaday.

0
108

Sida ay qoreen warbaahinta magaalada Firenza ee dalka Talyaaniga, waxaa caabuqa Corona-virus ka caafimaaday ardeygii Norwiijiga ahaa ee cudurka laga helay labo isbuuc kahor.

Baaritaan lagu sameeyay ardeygaas Norwiijiga ah, ayay warbaahinta magaalada Firenza sheegeen in jirkiisa laga waayay viruska Corona-virus, waxaa laga qaaday karantiilistii lagu sameeyay 2 isbuuc kahor. Isaga oo laga fasaxay isbitaalkii uu kujiray.

Ardeygaas ayaa inta la diiwaangaliyay ahaa qofkii ugu horeeyay ee Norwiiji ah ee laga helay caabuqa Corona-virus,

Sidoo kale warbaahinta lokalka ah ee magaalada Molde ayaa sheegtay inuu caabuqa Corona-virus ka caafimaaday qof magaalada Molde degenaa oo horey caabuqaas looga helay.

Xigasho/kilde: Norsk coronapasient friskmeldt.

Xigasho/kilde 2: Koronasmittet i Molde er friskmeldt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments