Norway: Qofkii labaad oo xalay u geeriyooday Corona-Virus.

0
112

Sida uu bogiisa Twitterka kusoo qoray isbitaalka dowlada ee Oslo universitetssykehus, waxaa xalay isbitaalka Oslo ku geeriyooday qofkii labaad oo Norway u dhinta caabuqa Corona-virus.

Isbitaalka ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday qof waayeel ah oo horey u xanuunsanaa, kaas oo xaaladiisa lagula tacaalayay isbitaalka OUS. Wuxuuna noqon doonaa qofkii labaad ee waayeel ah oo horey u xanuunsanaa oo cudurka u geeriyooday.

Ilaa hada waxaa Norway gudaheeda caabuqa Covid-19 laga helay 1042 qof, kuwaas oo 46 kamid maanta cudurka laga helay.

Halkan ka fiiri sida tirada dadka caabuqa laga helay ay ugu fidsanyihiin Norway: Kommune­oversikt

Xigasho/kilde: Oslo universitetssykehus bekrefter nytt koronadødsfall.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments