Norway: Qofkii ka imaada wadamada ka baxsan Nordica, waxaa lagu sameyn karantiilis!

0
187

Dowlada Norway oo shaley ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah, ayaa soo saartay ilaa dhowr iyo toban qodob oo looga hortagayo halista caabuqa Corona-Virus oo aad ugu sii fidiyo Norway. Halkan kasii akhri.

Mid kamid ah talaabooyinka ugu waaweyn oo ay dowladu qaaday, si looga hortago faafista caabuqa Corona, ayaa ah in mudo 14 maalin ah karantiilis lagu sameeyo dhamaan dadka kasoo dago garoomada diyaaradaha Norway, kana imaada wadamada ka baxsan Nordica.

Wasaaradda caafimaadka Norway ayaa sheegtay in dhamaan dadka kasoo daga garoomada Norway, kana soo duulay wadamada ka baxsan Nordica(Sweden, Denmark, Finland iyo Iceland) lagu sameyn doono karantiilis, xitaa hadii aysan ka muuqan calaamadaha caabuqa. Iyada oo karantiilkaas ay ku jiri doonaan mudo 14 bari ah oo lagu xaqiijinayo inay caabuqa qaadeen iyo inkale.

Dadka Norway soo galay wixii ka danbeeyay 27 February:

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa ku amartay dadka safarka kaga yimid wadamada ka baxsan Nordica, wixii ka danbeeyay 27-ka Februar, inay guryahooda joogaan, mudo 14 beri ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dowladu ay xaq u leedahay inay adeegsato talaabooyin qasab ah, hadii dadku aysan u hogaansamin talaabooyinkan.

Xigasho/kilde: FHI med nye råd: Snur om karanteneregler

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments