Norway oo ugu danbeyn wadaadkan ka dajisay dalka Talyaaniga.

0
119
Wasiiradda cadaalada Norway: Monica. Foto: regjeringen.no

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mæland oo maanta galinkii hore shir jaraa´id oo ay qabatay, ku sheegtay in Norway ay saaka Talyaaniga ka dajisay wadaadka la xukumay ee Najumuddin Faraj Ahmad, kuna caan ah magaca Mulla Krekar.

Dowlada Norway ayaa horey u meelmarisay go´aan ah in wadaadkan loo gacangaliyo dalka Talyaaniga, kadib markii maxkamad Talyaaniga kutaal ay wadaadkan ku xukuntay danbiyo la xiriiro argagaxiso.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix(Subcribe/Abonner).

Qareenka wadaad Krekar ayaa warbaahinta u sheegay in go´aanka ay dowlada Norway sameysay uu ahaa mid laga xishoodo, ayna si aan sharci ahaan sax aheyn u celisay qof uu isagu ku tilmaamay danbilaawe inuu yahay.

Krekar ayaa isbuuc kahor dowlada Norway ku eedeeyay ineysan kiiskiisa daacad ka aheyn, isaga oo sheegay in xubnaha xukuumada Erna Solberg aysan dhex-dhexaad ka aheyn kiiskiisa.

Sidoo kale goor hore ayuu sii sheegay in xiligan uu codsanayo inaan loo dhiibin dowlada Talyaaniga, maadaama dalkaas uu aad ugu faafay xanuunka Corona-virus, isna uu kamid yahay guruubka u nugul qaaditaanka xanuunkaas.

Norway ayaa dhankeeda sheegtay in xaalada Krekar ay wixii hada ka danbeeyo si dhow ula socon doonto dowlada Talyaaniga.

Xigasho/kilde: Mulla Krekar er utlevert til Italia

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments