Norway: Imtixaanadii qaranka ee VGS IYO US oo la kansalay.

0
86

Wasaarada waxbarashada Norway ayaa shir jaraa´id oo ay maanta soo saartay ku sheegtay in la kansalay ama la joojiyay imtixaanadii qaranka, qeybtooda qoraalka ah ee ardeyda dhigata dugsiyada sare iyo dugsiyada dhexe.

Ardeyda dhigata dugsiga sare ee gali laheyd imtixaanadan, ayaa heli doono natiijada imtixaanka qaranka oo si gaar ah loogu qiimeynayo, iyo shahaadada dugsiga dhexe ama sarre.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Dadka aan dhigan iskuulada, balse rabay inay si iskood ah sanadkan dib usoo qaataan imtixaanka qaranka(Eksammen), ayaa iyagana loo sameyn doonaa qaab gooni ah oo lagu xalinayo sidii ay imtixaanka u gali lahaayeen.

Wali ma cada in ardeyda dhigata dugsiyada sarre iyo dhexe ay sanadkan gali doonaan imtixaanka qaranka, qeybtiisa afka ah.

Xigasho/kilde: Avlyser alle skriftlige eksamener i grunnskolen og videregående.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments