Norway: Dowlada oo rabta inay sii adkeyso shuruudaha sharciga degenaanshaha.

0
152
Wasiirada cadaalada Norway

Sida lagu sheegay qoraal lagu soo daabacay webka rasmiga ah ee dowlada Norway(Regjeringen.no), Norway ayaa rabto inay sii adkeyso, waxna ka badasho shuruudaha ku xiran inuu qofku heli karo sharciga degenaanshaha.

Dowlada ayaa soo jeedisay in wax laga badalo shardiga ku saabsan in qofka kujira waxbarashada dugsiga dhexe(Grunnskole) ama dugsiga sare(Videregående) laga daayo shardiga dhaqaale ee ku xiran qofka raba rabo inuu degenaanshaha codsado.

Hada qofkii raba inuu codsado degenaansho, ayaa waxaa ku xiran sharuud adag oo la xiriirta dhanka dakhliga soo galay 12-kii bilood ee ugu danbeeyay, iyo inuusan wax kaalmo dhaqaale ah ka helin hey´adda NAV.

Balse qofkii dhigta dugsiga dhexe ama sare, waxaa laga daayaa shardiga dhaqaalaha, isaga oo loo tixgaliyo waxbarashada uu kujiro.

(Wararka NorSom News oo muuqaal ah dhawaan kala soco halkan, subscriber)

Dowlada ayaa hada soo jeedisay in qofka dhigta dugsiga dhexe ama sare uu waxbarashadaas dhigta ama kujiro mudo 12 bilood ah, kahor inta uusan degenaansho ku codsan ama aan laga deyn shardiga dhakhliga ee 12-kii bilood ee ugu danbeeyay.

Wasiiradda cadaalada Norway, Monica Mæland ayaa sheegtay inay dhici karto in dad badan ay iska diiwaangaliyaan waxbarashada dugsiyada hoose ama dhexe, iyaga oo ujeedkoodu uu yahay inay degenaansho ku codsadaan ama looga dhaafo shardiga dhaqaalaha. Dhabna aysan ka aheyn waxbarashada.

Sidaas darteed ayay soo jeedisay in qofka uu 12 bilood dhigto iskuulka, kahor inta aan laga deyn shardiga dakhliga 12-kii bilood ee ugu danbeeyay.

Xigasho/kilde: Foreslår strengere selvforsørgelsesregler for å få varig opphold i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments