Norway: 19 qof ayaa Viruska hargabka Corona ilaa hada laga helay.

0
80
Foto: FHI

Sida ay xaqiijisay hey´adda la socodka caafimaadka dadweynaha Norway (FHI), ilaa hada 19 qof oo la baaray ayaa la xaqiijiyay inay qabaan Viruska hargabka Corona.

Dhamaan dadka hargabka laga helay ayaa ah dad safar ku tagay dalalka uu cudurka ku faafay, gaar ahaan Italy, Iran iyo Shiinaha, ama qaraabada dadkaas.

12 qof oo dadka hargabka laga helay kamid ah ayaa degan magaalada Oslo iyo agagagaarkeeda, halka magaalada Bergen laga helay 6 qof. Iyo hal qof oo magaalada Tromsø ah.

5 qof oo kamid ah dadka hargabka laga helay ayaa ka shaqeynayay hal qeyb(avdeling) oo kamid ah isbitaalka Ullevål ee magaalada Oslo. Waxaana karantiilis lagu sameeyay isku dar ku dhawaad 100 qof oo qeybtaas ka shaqeynayay ama dad soo booqday ah.

Xigasho/kilde: Til sammen 19 personer har testet positivt på koronavirus i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments