Marxuum Ahmed Faarax oo maanta Oslo lagu aasay.

0
163

Marxuum Axmed Faarax Cali oo inta la diiwaangaliyay ahaa marxuumkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee u geeriyooda xanuunka Covid 19 ayaa maanta lagu aasay magaalada Oslo.

Waxaana aaska marxuumka kasoo qeybgalay dad 50 qof gaarayo, tiradaas oo aheyd tirada ugu badan ee hey´addaha dowladu ay ogolyihiin inay isugu imaan karaan janaasada duugta dadka u geeriyooda xanuunka covid-19. Hey´addaha dowlada ayaa soo rogay habraac la xiriira qaabka loo aasayo dadka u geeriyooda xanuunkaas.

Marxuum Axmed Faarax Cali ayaa sida dadka yaqaanay ay sheegeen ahaa qof aad looga qadariyo bulshada soomaalida Oslo, wuxuuna ahaa odey waayo-arag ah oo dhacdooyin badan oo dhulka soomaalida ka dhacay goob-joog u ahaa. Dhalinyaraduna ay jeclaayeen inay ka kororsadaan taariikh iyo waayo-aragnimo nololeed.

Jimcihii lasoo dhaafay ayuu marxuumku u geeriyooday xanuunka Covid-19, kadib markii maalmo kahor la dhigay isbitaalka Oslo.

F.G: Wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, waxaad kala socon kartaa, halkan: Riix, kadibna Subcribe/Abonner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments