Hal isbuuc: 114.000 qof oo NAV lacag dagpenger ka codsaday.

0
147

Ku dhawaad 100.000 qof oo laga fariisiyay shaqooyinkii ay ka shaqeynayeen, ayaa hey´adda NAV ka codsaday lacag dagpenger ah, lixdii maalmood ee ugu danbeysay.

Halka ay jiraan ku dhawaad 8.600 oo gabi ahaanba laga ceyriyay shaqooyinkii ay ka shaqeyn jireen ama shaqo laawayaal noqday.

Tiradaas ayaa ka dhigan in 4% dadka shaqeyn kara Norway ay xiligan kaalmo dhaqaale ka dalbanayaan hey´adda NAV.

Tiradaas ayaa sidoo kale la filayaa inay aad kor ugu kacdo maalmaha soo socdo, maadaama dhowr boqol oo qof oo Norwiiji ah laga fariisiyay shaqooyinkii ay ka shaqeyn jireen, sababo la xiriira xayiraada xanuunka Corona-virus.

NAV ayaa sidoo kale ka digtay in waqtiga ka shaqeynta codsiyada Dagpengerka uu dheeraan karo. Balse waxey sheegeen inay sameyn doonaan wixii awoodooda ah, sidii dadkaas ay u heli lahaayeen lacagahooda.

Xigasho/kilde: Har mottatt 113.500 søknader om dagpenger på under én uke: – En veldig rar situasjon.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments