fredag, april 19, 2024

Falanqeyn: Asalka khilaafka masaajidka Towfiiq iyo xalkiisa.

Tawfiiq waa markaz magiciisu facweynyahay, ayna ku tiirsanaayeen umadda soomaaliyeed ee wadanka Norway oo dhan. Waxaa ayaandarro ah markazka maanta in uu noqdo fadhi kudirir ay odayaal isigu amar taagleeyaan.

Magacaygu waa Mohammed, waxaan kamid ahay kumanaan dhalinyaro soomaaliyeed oo soo barbaartay xiligii Tawfiiq ay gacmaha is haysatay. Waxaana soo barbaaray Tawfiiq oo u’adeegaya bulshada islaamka ah gaar ahaan qowmiyadeena soomaaliyeed.

Markaan soo barbaarayay Tawfiiq waxay qaban jirtay dowrooyin, mu’tamaro iyo barnaamijyo dhalinyarada loogu talagay. Waxaan dib u eegay sidii ay Tawfiiq ahaan jirtay barbaarkeeygii. Dib u’jaleeceygii iyo fikirgeeygii wuxuu i dulkeenay mu’tamarkii magaciisu ahaa «JIDKA TOOSAN» oo Tawfiiq uu ku qabtay meesha loo yaqaano fabrikkhallen. Inta xusuustooda fiicantahay, mu’tamarkaas wuxuu dhacay sanadii 2010. Waxaa mu’tamarkaas ku jrtay muxaadaro ilaa afar xalaqo ah oo uu soo jeedinayay fadiilato Sheikh Mustafe Xaaji Ismail, kuna saabsaneeyd taariikhda tataarka iyo siduu ukala jabiyay dowladihiii quwada badnaa ee muslimiinta ahaa.

Maanta waxaa ii muuqato Tawfiiq inay kusii socoto meeshii ay ku danbeeyeen dowladihii quwada badnaa ee muslimiinta ahaa oo tataarka la dagaalamayay. Waxa kali’ah oo taariikhda iskabadalay dowladahaas muslimiinta ah tataark oo gaalo ah ayaa ku soo duulay, laakiin Tawfiiq ayadda ayaa isku soo duushay.

Maxaa xal ah:

Waxaa fiican in aan indha gor uqaadno, waaqica jirro aan la soco, xaalada aan kusuganahayna aan dib u’qiimeeyno. Dhacdooyinka wadanka soo marayna aan ku cibro qaadano. Tawfiiq waa ururka ugu weyn ururada islaamiga ah ee wadankan Norway ka dhisan. Wuxuu leeyhay macaamiil iyo xubno aad u baaxadweyn, taasi oo masuuliyad gaar ah saareeyso maamulka masaajidka mar walba ka taliyo.

Masuuliyadaas oo uga imaaneeyso dhinaca xubnaha ka tirsan markasa iyo indhaha bulshaweynta Norway oo fiiro gaar ah iyo ilaalo gaar ah u leh dhaqdhaqaaqa iyo xaalada masjidka ugu weyn ee Norweey.

Norwey waa wadan ku dhisan isaaminid iyo kalsooni, taaso oo loo yaqaano «TILLITSSAMFUNN». Sida aad kuligiin ogtihiin Tawfiiq ma’ahan ururkii ugu horeeyay ee Islaamiga ah oo saaxada wadanka Norwey lagu soo qaado. Sanado kahor waxaa sidaan ookale loo hadal hayay Islamsk Råd Norge (IRN) oo ah waaxda ama hay’adda ogu sareeyso oo matasho ururada islaamiga ah ee ka dhisan wadankaan Norwey.

 Kalsooni darro ayaa ku dhacday maamulkii wakhtigaas jiray ee IRN taas oo kaliftay in shaqadoodi ay wadiwaayaan sumcad darro owgeed. Taasi ayaa dhibaato badan u’keentay IRN oo kukaliftay maamulkii hore in uu iska baxo si ururka loo badbaadiyo. Badnaadintaas ayaa keentay in dib u’cosbooneeysiin lagu sameeyo ururka dhan. Haddana sidaad aragtaan IRN xushmadeedi ayeey dib u soo ceshatay waxaana looga yareera shirarka ay madaxda Norweey ay ku kulanto.

Tawfiiq wakhti xaadirkaan meeshi IRN ay joogtay ayeey joogaan. Si aan dib ogu soo hanano sharaftii iyo cisigii ay Tawfiiq horay u lahaan jirtay, waa in aan nidaamyada ay ururada caalimga ah ku shaqeeyaan in aan raacno, tilaabada ugu fududna ay tahay dib u cusbooneeysiin (FORNYELSE).

Odayaasha maamulka masjidka isku haysto oo ku’amar taagleeynayo dhamaantood waxay dhumiyeen sumcadii iyo KALSOONIDII markaska. Mar hadii y «TILLITSBRUDD» kalsooni darro meesha ay timaadana xalal badan ma jiraan ee HAL XAL bas ah ayaa furan, taasi oo ah in masjidka banaanka ay ka istaagaan.

Waa in la helo maamul cusub oo ka madax banaan soona marin marnaba maamulihii hore ee markaska ka soo shaqeeyay. Maamulkaas oo ay hortaalo shaqo aad u adag. Taasi oo aah in ay dib u soo celiyaan sumcadii iyo kalsoonidii markaska Tawfiiq. Shaqadaas oo maanta ama beri ku soo laaban doonin, una baahan in sanado badan laga shaqeeyo uuna maamulkaas keeno cadeeymo wax ku ool ah kuna dheehan cadaalad, hufanaan, daacadnimo iyo xubnaha markazska oo informeeshinka lala wadaago (ÅPENHET).

Waana muhiim in uu maamulka helo madax banaani buuxdo. Qaabkaas ayeey hay’addaha dowliga ah ee wadankaan Norweey dib noogu aamini karaan dibna oga kasban karnaa kalsoonidii aan REER TAWFIIQ ay horay ulumiyeen.

Waxaa qoray:

Mohammed Isak Abdullahi: Arday dhigta Master Statsvitenskap Jaamacada Norges teknisk-naturvitenskapelige universitet – NTNU

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x