tirsdag, april 23, 2024

Ereteriya: Norway ayuu nooga yimid qofkii ugu horeeyay ee Corona-virus laga helay.

Sida uu bartiisa Twitterka ku xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Yemane G Meskel, dalka Ereteriya ayaa shaley diiwaangaliyay qofkii ugu horeeyay ee laga helay xanuunka Corona-Virus.

Wasiirka ayaa sheegay in qofkii ugu horeeyay ee dalka Ereteriya laga helay Corona-virus uu yahay nin 39-sano jir ah oo u dhashay dalkaas, balse heysta degan dalkan Norway.

Wararka NorSom News oo muuqaal ah kala soco Halkan(Subcribe)

Wuxuuna sii raaciyay in qofkaas hada lagu daaweynayo goobaha loo diyaariyay dadka laga helo xanuunka Corona-virus, uuna heli doono caawinta laga maarmaanka ah.

Dalkan Norway ayaa kamid ah dalalka Yurubta ah ee uu aadka ugu faafay xanuunka Corona-Virus.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x