Dowlada Sweden: Lama xiri doono iskuulada iyo goobaha waxbarashada.c

0
97
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Dowladda Sweden ayaa sheegtay in aysan u xiri doonin iskuulada dalka, cabsida faafida caabuqa Corona dartiis. Wasiiradda waxbarashada Sweden, Anna Ekström ayaa go’aankan sabab ugu dhigtay arrimo waaweyn oo jira awgood kuwaasi oo ay sheegtay in ay soo gaarsiisay hay’adda caafimaadka bulshada.

Wasiiradda ayaa sheegtay doodaha jira ee caqliga ah ay ka mid yihiin  in dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka iyo shaqaalaha kale bulshada u shaqeeya, haddii ay dhacdo in xaafadahooda la joogaan caruurta oo aysan soo shaqo tegin, in taasi ka sii dari doonto fidista cudurka.

Wasiiradda ayaa sheegtay in awoowayaasha iyo ayeeyooyinka in ay ahaayeen cida inta badan la joogi jirtay ubadka marka waalidiinta caruurta ay shaqeynayaan balse xaaladda maanta ay tahay in dadka da’da ah la dhowro caafimaadkooda maadaama caabuqa dadka ugu nugul ay yihiin waayeelada.

Dowladaha Norway iyo Denmark ayaa xiray iskuulada waxbarashada, xarumaha xanaanada iyo jaamacadaha. Waxaana la yareeyay tirada shaqaalaha ka shaqeeyo xarumaha dowladaha.

Xigasho/kilde: SverigesRadio-Soomaali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments