fredag, april 19, 2024

Denmark: Waxaan joojinay celinta dadka qoxootiga ah ee xeerk «Dublin».

Si aad ula socoto wararkeena oo maqal iyo muuqaal ah, Halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonne

Sida uu maanta sheegay wasiirka soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee dalka Denmark Mattias Tesfaye, dowlada Denmark ayaa ilaa amar danbe joojisay adeegsiga xeerka Dublin ee isku celinta qoxootiga faraha ku leh dalalka kale ee Yurub.

Xeerka Dublin ayaa dhigaya in qofka magangalyo doonka ah uu xaq magangalyo ku leeyahay wadanka ugu horeeyo ee uu magangalyada ka codsado. Halka wadamada kale ee Yurub ay qofka dalkaas kusoo celiyaan.

Wasiirka soo galootiga Denmark ayaa sheegay in inta lagu jiro xiligan xaalada Coron-viruska, ay joojin doonaan celinta qoxootiga, si looga hortago faafitaanka cudurkaas. Sidoo kalena aysan qaadan doonin qoxootiga laga keeno wadamada kale.

Xigasho/kilde: Danmark stanser utsendelse av asylsøkere under koronakrisen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x