Waxey u shaqeyn jirtay ceyrta: 159 milyan ayay xaday.

0
132

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa dalka Denmark ka socotay maxkamadeynta Britta Nielsen oo ah haweenay 65 sano jir ah, una shaqeyn jirtay hey’ adda kaalmeynta dadka tabarta daran ee Socialstyrelsen.

Britta Nielsen oo boos shaqo oo sare ka heysay hey’ adda ceyrta ayaa sanadihii u dhaxeeyay 1993 ilaa 2018 koontadeeda gaarka ah ku dirsatay lacago isku dar gaarayo 159 milyan kr, taas oo aheyd lacago loogu tala-galay dadka danyarta ah.

Arinta mucjisada ah ayaa noqotay in 25 sano aan la dareemin lacagaha ay haweeneydan ka xadeysay hey’ adda ay u shaqeyso, ilaa kiiskeedu uu fashilmay sanadkii 2018.

Xubo dhowr ah oo ka tirsan qoyska haweeneydan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay danbiyo la xiriira dhaqid-lacageed iyo wax is dabo marin dhaqaale. Wiil ay sodoh u tahay oo gabadheeda qabo ayaa shaley lagu xukumay 8 bilood oo xabsi ah, waxaana wali baaritaan ku socdaa dhowr ilmood oo ay iyadu dhashay.

Hey’ adda xeer ilaalinta Denmark ayaa sheegtay in ilaa hada dib loo soo celiyay 13 milyan oo kamid ah 159-ka milyan oo ay haweeneydan xaday. Waxaana qeybo kamid ah hantida ay xaday ay ku iibsatay guri kuyaal dalka Koonfur Afrika, kaas oo sanadkii tagay ay xeer ilaalintu xaraashtay.

Xeer ilaalinta ayaa codsaday in haweeneydan lagu xukumo 12 sano oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: Storsvindlaren kan ha gömt undan diamanter för miljoner

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments